Afhayeenka Ahlusuna waljamaca ee Gobolka Gedo Sheikh Maxamed Xuseen Isxaaq Alqaadi  oo la hadlay Barnaamijka Xulka wararka 24-ka saac ee ka baxa warbaahinta SBC International ayaa waxaa uu beeniyay in Deegaanadaas ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan waxaana uu sheegay in aysan jirin wax ciidan Ethioipia ka socda ay soo gaareen deegaanadooda.

Dhageyso Codka Afhayeenka Ahlusuna  

Sheekh Qaadi ayaa waxaa uu sheegay in ay deegaanada xaaladooda Degan tahay isaga oo aan meesha ka saarin in xilli walba ay heegan ku  jiraan taasi oo ay ku difaacayan deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Masuulkan u hadlay ahlusuna waxaa uu faahfaahiyay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanada ay ehlusuna joogto waxaana uu sheegay inya guulo ka gaareen isaga oo sheegay in ay iska difaaceen Alshabaab oo deegaanadooda so wareertay.

Hadalka ehlusuna waljameeca ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli dadka gobolka gedo gaar ahaan baladxaawo ay xaqiijiyeen inay ciidamo Ethiopian ah iyo gadiid ay wataan ay u gudben dhinaca garbahaarey oo ay joogaan ciidamo katirsan DKMG iyo kuwa ahlusuna oo dhinac ah.

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring