ALLA Maxaa iguwatay Qaad Cunistiisa meeye caruurteydii ? (Sheeko Murugo leh)

Sanadahan danbe ayaa waxaa aad usoo badanaya  walwal weyn oo soofoodsaaray bulshada hooyooyin badan oo kudhaqan wadanka ingiriiska ayaa caruurtoodii laga qaaday iyadoo lagu eedeeyay inay yihiin kheyrul masuuliin aan korin Karin islamarkaakaana daryeeli Karin caruurtooda.

Caruurtaas oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasay inka badan 100 caruur ah, waa sida aan kazoo kiganay xafiiska akhbaaradka aruuriya ee ( Freedom Information act )

Hooyo kamida hooyooyinkaas Soomaaliyeed oo naga codsatay inaanan magaceeda baahin ayaa waxay noo sheegtay in ay marwalba oohin indhaheeda kasoocoto iyadoo marwalba daawatoa sawirada caruurteeda ,,

Mar aan wax kawaydiinay cunista qaadka oo aad ugu sii fidaya dumarka Soomaaliyeed ayay waxay si qiiro leh uga digtay inay dumarku kadheeraadaan cunista Qaadka, iyadoo kutilmaantay inaysan meelwada galikarin inaad hooyo tahay iyo inaad qaad cuntid ,

Hadaanu nahay bahda ladagaalanka qaadka waxaan lagarabtaaganahay hiil iyo hooba ,talo iyo tusaalayn hooyadaas soomaaliyeed oo caruurta laga qaatay ,waxaana u firay dood maxkamadeed oo ay dib u doonayso in caruurteedii loosoo celiye iyadoo hada iska daysay cunista Qaadka ..

Hooyooyinka soomaaliyeed oo kalana waxaan ugu baaqaynaa inay kadheeraadaan Suntaan cagaaran oo dishay oo baabi’isay rageenii waayo hadii ay dumarkuna kutalaxtagaan ,waa dhabarjab weyn oo aanaan kazoo waaqsan Karin..

Marka waxaan leenahay gabdhahayagii Soomaaliyeed oo Quruxda iyo Qiimahalahaayoow qaadku yuusan idin qaribin ,qayirin Quruxsiina, Qalalin jirkiina Qalibin Qoyskiina Qaadan caruurtiina.

Gudoomiyaha ladagaalanka Qaadka
Abukar  Awale (Qaad diid )

4 Responses to ALLA Maxaa iguwatay Qaad Cunistiisa meeye caruurteydii ? (Sheeko Murugo leh)

  1. waciye@hotmail.com says:

    waad ku mahad santihiin comments wanagsan ad ka bixisen qadka qaadka aniga cuni jirey oo i ahaa camal wuxuna iga lumiyey wakhti badan an wax ku qabsan lahaa oo an hada ka shaleeyo hadaan dhib uheli lahaa wakhtigu sacado ama second ayu iahaa nafteyduan waxey aheyd mid duleysan muqaal ahaan daqaale ahaan mujtamaca kumalheyn sharaf oo qofkan arko hadusun cunin wuxu i arki jirey qof tuug ah ama an qadi karin masuliyad kan cuna iskaba dhaa isma dhanto iyo dhasheed banu aheyn 2markan dayey ka dhib waxbaan bartey save ban yeshey dhaqale igu filan nolasheydu wey iga badatey waxaan isweydiya maxad unoshey shaqeey ama wax baro anigu joga qurabha runto kuma so kobi karo comments kaliya waxan jelaan lahaa iyado leaflet dheer ah in an idiin so gudhbiyo wa iga talo waxa bufiska kena waxa cafimaad darada kena waa isaga ha lajojiyo an oran laha byyyyyyyyyyyy

  2. ali says:

    anigu qaadka waa cunijiray markaan naftayda xisaabiyay ayaan ogaaday dhibaatadiisa markaa ayaan go aansaday inaan iska dhaafo qaad hadaba qofka weli cunaaya qaad waa qof aan damiirlahayn ayaan ku qiyaasikaraa anigu maxaa yeelay diinteena suubani waxaay nafaraysaa intaan lagu xisaabin isxisaabi ma aha inaad waqtigaaga qaaliga ah inaad qaad kulumiso qofkasta oo qaadcunaa waxaa udamaynaysa qoomamo waa hubaaltaasi

  3. Hi says:

    Aad baan uga xumahay in QAADka la moodo wax xun waa quud wanaagsan laakiin dee digriga iyo salaadaa ka tagteen maadaama dadku noqdeen kuwo aan inta an soo sheegay sameen way adagtahay inay QAADka faaiidadisa hellaan QAADka hadaanan cunin suuliga Ma gallo .. Wax Ma cuno .. Islaanta uma sheekeeyo … QAADka waxuu ka koobanyahay …sadex vitamin …..laakiin hadaadan ku Digrin waa halis aduu ku dilaya Mahadsanidiin SBC

  4. wan ka xumahy aad ban ugu tacsiyadyn hoyadas somaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print