Waxaa Bari oo Taariikhdu ku beegan Tahay 5-7-2011 Imaan doona Magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaliland Fanaanka Axmed Cabdikariin Maxamed (Axmed Biif)’ oo ka mida Fanaaniinta soo Caan Baxay Waxii Ka Dambeeyay 1990-kii isla Markaana Codkooda aad loo Xiiseeyo,waxaana Sacadihii ugu Dambeeyay Socotay Diyaargarow ay Fanaaniinta Hargeysa ku dhaqan kuwooda ugu Caansani ugu Jireen Soo dhaweyntiisa.

Axmed Biif oo Qadka Taleefanka aanu kula Xariirnay Isagoo ku sugan Cariga Isutaga Imaaraadka Carabta oo ah Fariisinka uu Dagan Yahay Gaar ahaan Dubai ayaa noo Xaqiijiyay Imaatinkiisa Bari oo Talaado ah magaalada Hargeysa uuna ka soo dagi doono Garoonka Magaalada Barbera ee Gobolka Saaxil Hadii Alle Idmo waxa uuna Xusay in Halkaasi uu ku Qaban doono Bandhig Faneed Loogu Magac daray “ Habeenkii Axmed Biif iyo Hobolada Hargeysa” Kaasoo lagu Wado inuu dhaco 7-7-2011 Maalinimada Khamiista Habeenka Jimcuhu soo galayo kana dhici Doona Hotelka Panorama ee ku Yaala Duleedka Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Axmed Cabdikariin Maxamed’ Axmed Biif’ oo ka mida Fanaaniinta sida weyn looga Daba dhacay Codkooda Macaan ayaa ku guuleystay 2 Oktoobar 2010- 24 Novembar 2010 Codeyn dhinac Wiilasha Fanaaniinta Cusub ee soo Caan baxay Waxii ka dambeeyay 1990kii waxaana uu ka galay Codeyntaasi Qarsoodiga aheyd ee Shacabku u codeynayayeen fanaaka ay xiiseeyaan Codkiisa Kaalinta 1aad.

ALfanaan Axmed Biif oo ay Bandhigfaneedkaasi kala qeybgali doonaan Fanaaniin Caan ah oo ku sugan Hargeysa ayaa waxaa la filayaa in Fanaanku ka qaado halkaasi Heesihiisii Hore ,kuwii dhexe iyo Kuwii Danbe.

Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle ( uurdoox)
uurdoox2011@hotmail.com