Alaha u naxariistee Waxaa magaalada London ee Dalka Ingiriiska ku geeriyooday Wasiiru dowlihiii Dastuurka iyo arimaha Fedralka ee Dowlada Puntland, Dr Cabdi Faarax Jimcaale,
Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray Isbital ku yaala wadanka ingiriiska halkaasi oo loola tacaalayay xaaladiisa caafimaad.

Maanta Duhurnimadii ayuu ku geeriyooday marxuumka Wadanka ingiriiska sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa, Marxuumka ayaa ahaa nin taariikh weyn ku lahaa deegaanada Soomaalida waxaana uu ahaa Aqonyahan si weyn looga yaqaan Geyiga Puntland

Masuuliyiinta Dowlada puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa Tacsi u diray Dhamaanba eheladii iyo Asxaabtii uu ka Baxay AHN Dr Cabdi Faarax Jimcaale

Bahda SBC Mulkiilaha SBC iyo Dhamaan Howlwadeenada SBC ayaa iyana Tacsi u diray Dhamaan ehelkii uu ka baxay AHN Dr Cabdi Faarax Jimcaale

SBC International Monitoring