Alaha Naxariistii jano ha siiyee waxaa dhowr saacadood ka hor ku geeriyootay Magaalada London xarunta dalka Ingriska Timiro Cukaashe Guuleed oo aheyd Haweeney ka mid aheyd U halgamayaashii dalka xiligii Xuriyad doonka .

Alaha u naxariistee Timiro ayaa waxay u geeriyootay Xanuun soo wajahay sida uu noosheegay Yaasiin Muuse Boqor oo ka mid ah ehelada Timoro.

Yaasiin Muuse Ayaa sidoo kale sheegay in Timiro ay ku geeriyootay Da’da 80sano ayna Ifka uga tagtay 4 caruur ah oo uu sheegay in mid ka mid ah ay ku dhashay Xabsiga gudahiisa .

Dhamaan umada Soomaaliyeed waxaa uga tacsiyeeyneynaa Geerida ku timid Timiro Cukaashe Guuleed oo aheyd Haweeney ka soo qeyb qaadatay xoreynta Dalkeena, Hormuudna u aheyd Calankan Bluuga ah ee aanu harsaneyno.

Alaha u Naxariistee Timiro Taariikhdeeda oo dhameystiran Waxaad ku arki doontaan wararkayaga dambe.

Hadii aad tacsi u dirayso qoyska & ehelka Marxuumada Hoos ku soo qor.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso