Magaalada Muqdisho Xarunta Dalka Soomaaliya saaka waxaa la soo gaarsiiyay Meydka madaxweynihii hore ee Umada Soomaaliyeed alaha u naxariistee C/laahi yuusuf Axmed halkaaso oo loogu tukaday salaadii Janaasada.

Madaxda sar sare ee Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay salaadii janaasada ee lagu tukaday Madaxweynaha waxaana ka dib salaada janaasada ay halkaasi ka jeediyeen madaxda DKMG ah khudbado ay uga sheekeynayaan Mudnaanshaha madaxweynahii hore ee Dalka Alaha u naxariistee.

Meydka madaxweyne Yuusuf oo lagu daday Calanka Umada Soomaaliyeed ayaa iminka lagu wadaa in loo qaado magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug halkaasi oo uu ka dhici doono aaska Madaxweynaha .

Wariye yaasha SBC ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaasi Mudug ayaa soo sheegaya in qaban qaabo aad u sareysa ay ugu jiraan dadka reer gaalkacyo iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug sidii uu u dhici lahaa Aaska Madaxweyne C/laahi Yuusuf Alaha u naxariistee.