Xoogaga Shabaabka ee dagaalka ba’an kula jira ciidamada DFKMG & kuwa AMISOM ayaa digniin cusub oo ay soo saareen waxay ku goodiyeen inay si toos ah u bartilmaameysan doonaan madaxda DFKMG Soomaaliya, iyagoo muujiyey inay wax ka badalayaan hawlgaladooda dagaal.

Afahayeenka Ciidamada Xarakada Al- Shabaab  Sheekh Cabdcasiis Abuu Muscab ayaa khudbad uu ka baahiyey mid ka mid ah idaacadaha ku hadla afka Al Shabaab wuxuu ku xusey in ay dilkii ay u geysteen wasiirkii arimaha gudaha & Aminga uu tusaale u yahay sida ay uga go’an tahay inay beegsadaan madaxda dawlada isagoo tusaale u soo qaatey weerarkii lagu qaarijiyey wasiirkii hore ee amniga qaranka Cumar Xaashi Aadan oo qarax ka dhacay magaalada Baladweyne lagu diley, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan weeraradaasi oo uu ku macneeyey inay yihiin sida hadalka uu u dhigay kuwa “awood u leeyihiin inay ka fuliyaan goob kast”.

Abuu Muscab wuxuu ugu baaqay madaxda DFKMG inay ka wanatoobaan sida hadalka uu u yiri “La Shaqeynta cadowga ALLE & Gaalada Salabiyiinta”, isagoo xusey inaanay difaaci karin kumaanka kun ee ciidamada shisheeye ee sida uu sheegay xooga ku yimid Soomaaliya, wuxuu yiri “Mujaahidiintu waxay awood u leeyihiin inay hawlgaladooda ka fuliyaan meeeshii ay doonaan”.

Afhayeenka ciidamada Shabaabka wuxuu sheegay in Xaaladan lagu jiro ay qorsheynayaan inay toos u beegsan doonaan madaxda Dowladda oo a ku kuwo hor-boodaya duulaanka, isagoo sheegay  weerarkii isqarxinta ahaa ahaa ee Bartamihii June ee sanadkii 2009-kii Cumar Xaashi, ay taas baajisay abaabulo badan oo ku soo wajahnaa xarakadooda, wuxuu sidoo kale soo qaatey dilkii Hogaamiyihii Ahlusuna ee Gobolada Koofureed Sheekh Xasan Qoryoole oo uu sheegay in isna uu yareeyey  duulaankii Goboladaas ku soo wajahnaa. Ka dhegeyso Playerka hoose hadalka afhayeenkaHalkan ka dhageyso afhayeenka Al-Shabaab Sheekh C/casiis  Abuu Muscab wuxuu muujiyey in wasiirkii arimaha gudaha C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo 10-kii bishan lagu diley qarax ka dhacay gurigiisa uu ahaa ninka kaliya ee dhibka ku ahaa Al-Shabaab, oo caqabad hortaagan ku ahaa.

 Hadalka ka soo yeeray sarkaalkan ka tirsan xoogaaga Shabaabka ayaa ku soo aadayaa iyadoo dawlada KMG ay soo saartey digniin cusub oo ku aadan weeraro ay qorsheynayaan Shabaabka oo doonaya inay ku soo dhexdhuuntaan dadka banaanbaxyada ka dhigaya magaalada Muqdisho.

Axmed Aar
SBC Muqdisho