Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatey in weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shaley ay ka geysteen dekada magaalada Muqdisho in uu ahaa mid ay fuliyeen wax ay ugu yeereen Shihiidiin ka soo horjeeda cadowga dalka ku soo duuley sida hadalka loo dhigey.

Afhayeenka kooxdaasi Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali dheere) oo la hadley idaacad ku taal magaalada Muqdisho oo ku hadasha afka xoogaga Shabaabka ayuu ku sheegey in weerarkaasi isqarxinta ah ay ku dileen 21 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali dheere wuxuu ku goodiyey in weerarkaasi aanu ahaan doonin mid intaasi ku eg, isagoo ku hanjabay inay sii wadi doonaan weeerarada ka dhanka ciidamada AMISOM oo ku tilmaamey kuwa cadow ku ah ummada Soomaaliyee doo doonaya inay dalka qabsadaan, isla markaana shacabka madaafiic ku garaacaya.

Weerarkan ayaa kii labaad oo mudo todobaad ah xoogaga Shabaabku ay la beegsadaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, weeraradaasi oo ay geysteen dad isqarxiyey oo ka mid ah kooxdaasi, waxaana weerarkaasi mid ka mid ah la xaqiijiyey in uu geystey nin Soomaali oo haystey dhalashada Mareykanka oo 2 sano ka hor ka soo tagey Mareykanka.

SBC News Desk