Iyadoo dawlada Mareykanka ay todobaadkan ku dhawaaqdey in ay ku bixinayso malaayiin doolarka Mareykanka dilka iyo soo qabashada hogaamiyasha sar sar ee xarakada Al-Shabaab ayaa arintaais waxaa caksigeeda abaalmarin ku dhawaaqay kooxda Shabaabka.
Website ku hadla afka xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku yabooheen bixinta 10 neef oo geel ah oo ay siinayaan sida ay sheegeen qof kasta oo u soo gudbiya halka ay uu ku sugan yahay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, iyagoo sidoo kale 10 digaagad iyo 10 diiq siinaya qofkii u soo gudbiya xogta xogta xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton.
Warbixin cod ah oo lagu baahiyey website-kaasi ku hadla afkaarta Shabaabka uuna duubay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah saraakiisha Shabaabka ee Mareykanku madaxooda malaayiinta doolar dul dhigay ayaa sheegay in cid kasta oo u soo gudbisa xogta Barack Obama oo uu ugu yeeray shaydaan & Hillary Clinton ay siinayaan abaalmarinta kor ku xusan.
Warkan ka soo baxay Fu’aad Khalaf ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxiisa 5 milyan oo doolar oo ay dulsaartey waaxda amuuraha dibada Mareykanka oo dhaqaalahaasi sheegtey inay siinayso cidii soo gudbisa macluumadka sarkaalkan u qaabilsan Al-Shabaab arimaha dacwada iyo dhaqaale ururinta.
Neefka geela ah wuxuu xiligan Soomaaliya ka jooga 700 oo doolar taasi macnaheedu waxay tahay in 7 kun oo doolar Shabaabku saareen madaxa Barack Obama, halka digaaga la dul dhigay madaxa Hilary Clinton uu ku kacayo in ka yar 50 doolar.
Hadalkan ka soo baxay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si weyn u hadal hayey saxaafada wadanka Mareykanka, iyadoo Telefishinka caanka ah ee CNN uu ka mid yahay warbaahinta Mareykanka ee sida weyn u hadal haysa warkan ka soo baxay Shabaabka.
Link-ga audio hoose ka dhageyso hadalka Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo Geel & Digaag dul dhigay madaxa Obama & Mrs Clinton.
HALKAN RIIX
SBC News Desk
Daalacatey :3409