Laanta sirdoonka Mareykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CIA ayaa daboolka ka qaaday inay fashilisay hindise cusub oo farsamo oo ku aadan bambooyinka loo adeeegsado weerarada oo ay Al-Qaacida aliftey kaasi oo ah in Kastuumada ama hoos gashiga (underwear) bam loo adeegsado kaasi oo lagu weerari karo diyaaradaha rakaabka.
War ay daabacdey wakaalada wararka ee AP ee Mareykanka laga leeyahay waxay sheegtey in CIA-du ay fashilisay hawlgal loo adeegsan lahaa bamb lagu dhexfarsameeyey kastuumooyin oo aan loo jeedi karin kaasi oo la doonayey in lagu weeraro lagu soo beego sanadguuradii koowaad ee dilka hogaamiyihii Al-Qaacida Osama Bin Ladin.
Farsamadan casriga ah ee bamka aan la dareemi karin lagu dhexmilay Kastuumada ayaa waxaa la xaqiijiyey inay hindiseen Al_Qaacidada saldhigeedu yahay wadanka Yemen, iyadoo qorshuhu ahaa in lagu weeraro diyaaradaha rakaabka Mareykanka laga leeyahay.

Farsamadan bam ayaa waxaa la sheegay in ay tahay tii la fashaliyey December sanadkii 2009-kii, xiligaasi oo laga hortagey bam loo adeedsadey waxyaabo kiimiko ah oo lagu soo qoriyey Kastuumo ama hoos gashi kaasi oo nin lagu magacaabi jirey Umar Farouk Abdulmutallab uu isku dayey in uu ku qarxiyo diyaarad Mareykanka laga leeyahay oo ka ambabaxdey dalka Holand kuna socotey magaalada Detroit ee gobolka Machigan ee dalka Mareykanka.
Laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegtey inay haatan ku sameynayso baaritaan sida bamkan uu uga gudbi karo goobaha baaritaanka ee garoomada diyaaradaha, isla markaana uu u dhulka u soo dhigi karo diyaaradaha.
Laakiin quburada waxyaabaha qarxa ayaa waxay walaac ka muujinayaan bamkan oo aan ka koobneyn waxyaabo biro ah in ay fududahay in uu ka gudbo garoomada diyaaradaha, iyadoo sidoo kale aan war loo hayn in ay qabaan karaan raajooyiinka muuqaal araga ah ee airporada ku xiran, kuwaasi oo loogu tala galay inay jirka qofka safarka ah sawiraan.
Sen Dianne Feinstein oo ah madaxa gudiga sirdoonka ee Senate-ka Mareykanka ayaa sheegtey in ay ka walaacsan yihiin bambkan kastuumada lagu rakibay ee la doonayey in diyaaradaha Mareykanka la saaro.
Saraakiisha CIA-da waxay sheegeen inaanay wali helin macluumaadka qofka adeegsan rabey bamkan, isagoon goosan tigidka diyaarada intii aan la qaban qaraxaasi.
Afhayeenka aqalka cad Caitlin Hayden wuxuu xaqiijiyey in Madaxweyne Obama loo gudbiyey bishii April macluumaadka dhanka sirdoonka la xiriira ee qaraxaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay uga shaki qabaan farsamada qaraxan Ibrahim Hassan al-Asiri oo ah 31 sano jir u dhashay wadanka Sacuudiga, ninkan oo Al-Qaacidada Gacanka Carabta (AQAP) u qaabilsan farsamada bambooyinka, wuxuu caan ku yahay in uu walaalkiis ka yaraa Abdullah Hassan al-Asiri uu ku rakibay jirkiisa bam lagu doonayey in lagu qaarijiyo wasiirka arimaha gudaha Sacuudiga Mohammad bin Naif bin Abdul Aziz al Saud bishii August sanadkii 2009, weerarkaasi oo uu ku geeriyoodey ninkii isqarxiyey iyadoo wasiirka uu dhaawac soo gaarey.
Bamkan loo lagu diyaarinayo kastoomada ama hoosgashiga ayaa waxaa loo adeegsanayaa kiimiko gaar ahaan nooca loo yaqaan Pentaerythritol tetranitrate (PETN) taasi oo ah budo aad awood badan oo dhalisa qarax aad u culus.
Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com