SBC waxay idiin soo gudbinaysaa warmurtiyeedkii shaley laga soo saarey gunaanadii shirkii ay magaalada Adis Ababa ku lahaayeen hogaamiyaasha dhinacyada siyaasada Soomaalida kuwaasi oo isku raacay qodobo ay heshiis kaga gaareen khilaafkii ka dhaxeeyey ee ku aadanaa dastuurka cusub ee dalka loo sameynayo, xuliyada gudiga ansixinta dastuurka, xulida baarlamanka cusub iyo waliba habkii looga bixi lahaa nidaamka ku meelgaarka.

Heshiiskan waxaa qalinka ku guuday Lix hogaamiye dhinacyada siyaasada Soomaalida ah & Wakiilka gaarka ah ee qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya u qaabilsan.

Warmurtiyeedkan waxaa saxixay oo saxiixoodu halkan ka muuqdaa Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha DKMG ah, Shariif Xasan Sheekh Aadan afhayeenka baarlamaanka, Dr. Cabdi Wali Max’ed Cali ra’iisal wasaaraha XKMG ah. Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud (Farole), madaxweynaha Puntland; Maxamed Axmed Caalin Madaxweynaha Galmudug; Khaliif Cabdulqadir Macallim Nuur, wakiilka Ahlu Sunnah Wal-Jamcah (ASWJ) iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire  Augustine Mahiga.

Si aad u akhriso warmuriyeedkaasi oo ku qoran af-Ingiriis riix link-ga hoose.
HALKAN RIIX