Kadib dhawr maalmood oo madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ay ku shirsanaayeen magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta lasoo saaray war saxaafadeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

War saxaafadeedka oo ka kooban 3 bog ayay kusoo saareen 16 qodob , qodobka ugu horeeyana waxa ay ku shaaciyeen in ay samaysteen gole loogu magacdaray Golaha Dowlada Goboleedyada, waxaana guddoomiye loo doortay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku xigeenkiisa loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Qoraalka ayaa u badnaa cabasho iyo eedeymo waaweyn oo loo jeedinayo dowladda federaalka, oo ay ka mid tahay in aysan ka go’nayn hirgalinta nidaamka federaalka, qabashada doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020-ka iyo waliba in dowlad goboleedyada laga qadiyay deeqihii caalamka.

Madaxweynayaasha ayaa ku adkaystay in qodobka 53aad ee dastuurka la tixgaliyo, kaas oo dhigaya in dowlad goboleedyada ay dowladda dhexe kala tashato waxyaabaha masiiriga ah. Halka dowladda federaalka ay ku adkaysanayso qodobka 54 aad ee dastuurka oo awood buuxda u siinaya siyaasadda arrimaha dibada, lacagta iyo waxyaabo kale.

Dhammaan waxa ay joojiyeen wadashaqayntii wasaaradaha dowlad goboleedyada ay la lahaayeen kuwa dowladda federaalka inta laga gaarayo isfaham rasmi ah, waxayna cabasho xooggan ka muujiyeen sharciyada ‘sida dhaqsiyaha badan’ loo meelmariyo iyada oo aanan la tixgalinin aragtiyadooda. Sharcigii ugu dambeeyay ee la ansixiyay waa kan isgaarsiinta oo dowlad goboleedyada horay cabasho uga keeneen.

Arrinta wali taagan ee Galmudug ayay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ku baaqeen in xal wadahadal ku yimid laga gaaro, waxayna ku baaqeen in farogalinta banaanka laga joojiyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda federaalka ayaanan shirkan kasoo qeybgalin, mana jirto wax hadal ah oo ay wali kasoo saartay.

HOOS KA AKHRISO WARMURTIYEEDKA :

1. Arimaha Siyaasadda

  • . Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada; iyadoo la xiganayo qodobka 52aad (2) ee dastuurka qaranka oo tilmaamaya muhiimaddaa ay leedahay iskaashi ay wada yeeshaan dowlad goboleedyada ayaa goluhu wuxuu isku raacay in la aasaaso golaha iskaashiga dowlad goboleedyada (GIDG).
  • Goluhu waxay gudoomiye iyo ku xigeen u kala doorteen sannadka koowaad, Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane C/weli Max’ed Cali Gaas (Gudoomiye) iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Max’ed Cabdi Waare (Kuxigeen). Golahan wuxuu ka shaqeyn doonaa horumarinta danaha dowlad goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiisiin dhab ah oo ku saleeysan heer bulsho taas oo horseedi doonta deganaan iyo xasilooni waarta.

2. Iskaashi

  •  Asaaska dowladda federaalka waxaa saldhig u ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka oo masuul ka ah in ka badan 90% baaxadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidaa darteed waxa lama huraan ah in dowladda dhexe la timaado siyaasad ku saleeysan soo dhaweyn, iskaashi iyo wada shaqeyn joogta ah oo ay la yeelato dowlad goboleedyada si looga gudbo caqabadaha amni, siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee wadanku ku suganyahay.

3. Khilaafka Siyaasadeed:

  • wuxuu goluhu ku adkaysanayaa in ay lagama maarmaan tahay sida ku cad qodobka 53-aad ee dastuurka federaalka in wadatashi lagala yeesho dowlad goboleedyada go’aamada masiiriga ah ee sida tooska ah saamaynta ugu yeelan kara deegaanadooda, islamarkaana xallinta is-maandhaafka ka dhasha go’aanada xukuumadda dowladda federaalka lagu saleeyo sida maslaxada shacabka Soomaaliyeed ku jirto oo ay ugu horeeyso khilaafyada hada jira.

4. Galmudug

  •  Sida uu qabo qodobka 50 (g), Goluhu wuxuu ku baaqayaa in la ilaaliyo deganaanshaha dowlad goboleedka Galmudug lagana fogaado faragalin kasta oo keeni karta burbur ku yimaada Galmudug islamarkaana khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay maamulkooda lagu dhammeeyo wada hadal iyo is qancin, iyagana looga danbeeyo xal u helidda khilaafkooda wixii taageero ah ee ay taa ku gaarayaanna gacan laga siiyo. Sidoo kale goluhu wuxuu dhiirigalinayaa in Dowlad goboleedka Galmudug ay dardar galiso wada hadallada kala dhexeeya Ahlusunna Wal Jamaaca ee gobollada dhexe.

5. Federaleynta

  •  Waxay wallaac ka muujiyeen hab dhaqanka xukuumadda dhexe oo abuuray shaki weyn oo laga qabo in ay jiraan qorsheyaal iyo ku talogallo lagu wiiqayo geeddi socodka hannaanka federaleynta, taas oo dalbaysa in wadatashi siyaasadeed oo dhab ah laga yeesho arimaha federaleynta oo ay ugu horeeyso in go’aan laga gaaro sida sida awoodaha iyo khayraadka loo qeybsanayo oo ilaa hadda aan aragti guud oo mideeysan laga lahayn, ahna waxyaabaha hortaagan in hore loo socdo.

6. Dastuurka

  •  waxaa si cad u muuqata in xukuumadda dhee ka caga jiidayso in si dhab ah looga shaqeeyo arimaha dastuurka, taas oo ay ka markhaati kacayso sida wasaaradda dastuurka u dajisay hannaanka hawl fulineed ee dib u eegista dastuurka oo aan ahayn mid door cad oo muuqda siinya dowlad goboleedyada waana taas sababta keentay in shirkii dastuurka ee la filayay in la qabto dhawaantan uu u burburay. Sidaas daraadeed waxay goluhu dalbanayaan in la abuuro guddi hawleed xubnahoodu ka koobanyihiin xukuumadda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo ka shaqeeya diyaarinta arimaha asaasiga ah ee u baahan in si hordhac ay uga heshiiyaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka dibna loogu daro dastuurka.

7. Xeerarka:

  • Goluhu wuxuu walaac ka muuiyay xeerarka sida joogtada ah ay hay’adaha xukuumadda dhexe u meelmarinayaan iyadoo wali wax heshiis ah aan laga gaarin sida look ala leeyahay awoodaha hawl fulineed ee labada heer ee dowladda (DF iyo DG) waana taas waxyaabaha sababaya khilaafka siyaasadeed ee soo noqnoqonaya.

8. Talo

  •  Goluhu wuxuu ku talinayaa in go’aamada qaran ee masiiriga ah si daah furan loogu gaaro goleyaasha dastuuriga ah oo ugu horeeyaan goleyaasha sharci dajinta iyadoo mar walbana la xaq dhowrayo doorarka hawl fulineed ee dastuurku siinayo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

9. Doorashada 2020

  •  wuxuu goluhu shaki ka muujiyay gaabiska iyo wadatashi la’aanta ka jirta geeddi socodka hannaanka doorashooyinka taas oo durbadiiba muujinaysa hubaal la’aanta in doorasho hal cod hal qof qabsoonto sanadka 2020. Sidaa awgeed wuxuu goluhu ku baaqayaa in guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ay soo bandhigaan hannaan iyo qorshe hawleed wakhtiyeeysan (Road Map) kaas oo qeexaya sida lagu gaarayo xaqiijinta doorasho hal cod iyo hal qof oo wadanka ka qabsoonta 2020 islamarkaana wadatashi dhab ah lagala yeesho dowlad goboleedyada.

10. Kaalmada Caalamiga

  •  in ka badan qiyaas ahaan 80% culayska amni, bulsho iyo dhaqaale ee jira wuxuu ku dhacaa dowlad goboleedyada islamarkaana 5% wax ka yar ayay dowlad goboleedyadu ka helaan kaalmada caalamiga ah ee dowladda dhexe soo gasha waxaana tusaale u ah in 10,000 ee guri oo dowladda Turkigu ku deeqday aysan dowlad goboleedyadu ka helin hal guri iyadoo baahida ugu badan ay taallo gobollada.

11 ARIMAHA AMNIGA

  • Wuu goluhu nasiib darro ku tilmaamay in khilaafka siyaasadeed ee jira uu keenay in laga mashquulo arimihii amniga iyo ka xoreynta dalka xoogagga nabad diidka ah, fursadna siiyay inay sii kordhiyaan xasuuqa iyo go’doominta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed taas oo masuuliyadeeda ay leedahay xukuumadda dhexe.

12 Hoos u dhaca Amniga :

  • Wuxuu goluhu isla qiray in uu jiro habac iyo hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid arimaha amniga taas oo ay ugu wacantahay iyadoo sida ciidanka difaaca qaranku u qaabaysanyahay aysan ahayn mid hiiri galinaysa in si wadajir ah oo xiriirsan loo wada hawl galiyo ciidanka qaranka ee dowlad goboleedyada ku sugan maadaama oo ay kla hoos tagaan hogaamo kala duwan iyagoo hal dowlad goboleed wada jooga. Sidaa darteed, wuxuu goluhu dalbayaa in la dardar galiyo fulinta heshiiskii amniga qaranka oo qeexaya in qaybaha ciidamada lagu saleeyo xuduudaha dowlad goboleedyada si hawlgallada ciidanka eek u aaddan sugidda amniga uu u noqdo mid miro dhal ah.

13 Kaalmada Caalamiga ah

  • Culayska amniga gudaha in ka badan 80% wuxuu ku dhacaa dowlad goboleedyada hadana wax ka yar 5% ayaa kaga soo aada kaalmada caalamiga eek u aadan arimaha amniga, sidaa darteed wuxuu goluhu ku baaqayaa in si isu dheelitiran loo qaybiyo kaalmada caalamiga ah eek u aaddan arimaha amniga.

14. Go’aan:

  •  kadib markii uu goluhu qiimeeyay qorsheyaasha dowladda dhexe eek u aaddan arimaha federalaynta, dib u eegista dastuurka iyo meelmarinta xeerarka oo dhammaantood sida loo wado ay ka soo horjeeddo hannaanka federaalka, goluhu wuxuu go’aamiyay in si kumeel gaar ah loo hakiyo dhammaan hawlaha la xiriira xeerarka iyo dib u eegista dastuurka ee hay’adaha dowlad goboleedyada la wadaan hay’adaha dowladda dhexe si fursad loo siiyo in go’aan kama danbays ah oo siyaasadeed laga gaaro sida loo wadaagayo khayraadka iyo awoodaha hawl fulineed ee dalka islamarkaana wuxuu goluhu soo jeedinayaa in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu wada hadal dhab ah ka yeeshaan ka gun gaarista arimahan.

15. Mahadcelin:

  •  Waxay si wadajir ah madaxda dowlad goboleedyadu ugu mahadcelinayaan, dalalka ciidamada nabad ilaalinta ku taageeray Soomaaliya, deeq bixiyeyaasha, Qaramada Midoobay, saaxiibada beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah oo dhammaantood gacan wax ku ool ka gaysata badbaadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
  • Waxay sidoo kale u mahadcelinayaan madaxweynaha, dowladda iyo shacabka reer Jubbaland oo fidiyay gogosha martigalinta taariikhiga ah ee wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliyeed.

16. Baaq:

  • Waxay ku baaqayaan in la dardar galiyo, tayeynta, xoojinta, qalabeynta iyo tababarka ciidanka Soomaaliyeed si ay awood ugu helaan in ay sugi karaan amniga wadanka. Sidoo kale waxay dareen adag ka muujiyeen qorshaha lagu yareeynayo ciidamada AMISOM kahor inta aysan Soomaalidu diyaar u noqonin in ay la wareegi karaan sugidda amnigooda taas oo haddii ay dhacdo dib u dhac ku keeni doonta ammaanka iyo xasiloonida dalka sidaas darteed, goluhu wuxuu ku baaqayaa in la kordhiyo tirade ciidamada nabad ilaalinta AMISOM si loo xaqiijiyo xoreynta deegaanada wali ku jira gacanta nabad diidka.

DHAMAAD

SBC INTERNATIONAL 2017