Muqdisho-[Allsbc.com]-Galmudug iyo Ehlu Sunna ayaa heshiiskooda ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, ka dibmarkii heshiis horu-dhac ah ay kuso gaareen magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti.

Munaasabada heshiiska lagu kala saxiixday ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Soomaaliya.

Waxaa Galmudug heshiiska u saxiixay Axmed Geele Ducaale Xaaf, halka Ehlu Sunna uu u saxiixay Madaxweynahooda Sheekh Maxamed Shaakir.

Hoos ka akhriso hishiiska