Maanta ayay soo saareen dhinacyaddii uu shirka uga socday magaalo madaxda Puntland ee Garowe, war murtiyeed ka kooban todobo qodob, kuwaasoo qaarkood dadku aad u xiisaynayeen.

Waxaa lagu cadeeyay qoraalkan in Puntland uusan saamayn ku lahayn mamulka gobaladda dhexe, dad ka socdaaa Puntland-na aysan ka qayb gali Karin, taasoo macnaheedu yahay mamulka inuu ku kooban yahay Galmudug iyo Galgaduud.

Horudhac

 

Iyadoo laga ambaqaadayo shirkii 1aad ee Madasha Wadatashiga, ayaa waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntand ku kulmay intii u dhexeysey 30 April ilaa 1da May, waxaana ka soo qeybgalay  shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah DFS (Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed), waxay soo saareen warmurtiyeedkan:

 

  1. Fulinta iyo Hirgelinta Heshiisyadii Horey loo Galay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah waxay isku afgarteen dardar-galinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii  horay u gaareen  dhinacyadu , Si arrintaasi loo gaaro waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas, waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

  1. Dastuurka iyo Arrimaha Federaalismka.

 

Si loo dardargaliyo geeddi socodka dib u eegista dastuurka,  waxay  Madashu isku raacday in la dhamaystiro xubnaha ka dhiman Guddiyada dib u eegista iyo Kormeerka Dastuurka ee ka imanaya Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka sida ku cad Qodobka 133 Farqadiisa labaad Xarafka (a) iyo Qodobka 134 Farqadiisa labaad.

 

  1. Hiigsiga 2016 (vision 2016).

  • Waxaa la isku raacay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah 2016.
  • In talada geeddi socodka Hiigsiga 2016 ay  ahaato mid loo dhan yahay.

  1. Dhismaha Dawladaha Xubnaha ka noqonaya dawladda Federaalka.

 

  1. a) Dhismaha dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka waa in uu ku salaysan yahay Dastuurka kmg ah.
  2. b) Waxay Madasha wadatashigu isku raaceen in dhismaha maamulka ku meer gaarka ah ee Gobolada dhexe ee ay Dawladda federaalku hogaaminayso lagu saleeyo heshiiskii 14 Octoober 2014 qodobkiisa 1.3 ee ay isla gaadheen dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland.
  3. c) Ergooyin ka socda gobolka Mudug  qaybta Puntland lagama qaybgelin karo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

 

  1. Amniga:
  2. a) Dhismaha iyo isku dhafka ciidan qaran (Somali National Army).
  3. b) Waxaa la isku raacay in la hirgeliyo is-afgaradkii 12 Abriil 2015 ee Raysal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake iyo Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kasoo tilmaamayey in 3000 oo askeri looga qoondeeyo ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed(XDS) Puntland iyo in dawladda Dhexe ay la wareegto xuquuqda ciidankaas.
  4. c) In dowladda Federalka Soomaliya ay taageero guud  siiso Dawladaha xubnaha ka ah DFS,Gaar ahaan Dawlada Puntland  laga caawiyo la dagaalanka argagixisada iyadoo cabsi laga qabo in argagixisadu kasoo gudubto xuduud- badeedka u dhexaysa Yemen iyo Soomaaliya,
  5. d) In Wasaaradda Amniga Dawladda Federalka ay abuurto xariir iyo iskaashi joogta ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Amniga ee Dawladaha Xubinta ka ah Dawlada Federalka gaar ahaan  arrimaha khuseeya amniga iyo la dagaalanka argagixisada,
  6. e) In la diyaariyo qorshe mideysan oo looga saarayo Ururka Gumaadka Ummadda Somomaaliyeed(UGUS) deegaanadda wali gacantooda ku harsan.
  7. f) In sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyaa Gudiga Ammaanka Qaran sida ku cad Dastuurka ku- meel-gaarka ah ee dawladda Federalka cutubka 10aad, Qodobka 111(h) ee tilmaamaya dhismaha guddiga ammaanka qaran.
  8. g) Si loo dardargeliyo xoraynta iyo xasilinta deegaamada waxaa beesha caalamka laga codsanayaa inay taageero buuxda ka geystaan dhismaha ciidan Boolis oo ay leeyihiin Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka oo ku fulin sugida amniga degmo walbana loo qoondeeyo 200 oo askari Boolis.

 

  1. Wadaaga Khayraadka:
  • Ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah
  1. a) In khayraadka dalka Soomaaliya ku jira ay tahay hanti ummad Soomaaliyeed ay wada leedahay, lana  dhiiri galiyo sidii looga wada faa’idaysan lahaa.
  2. b) In la sameeyo isla markaana la dhameystiro dhamaan sharuucda ku aadan ka faa’idaysiga iyo wadaaga kheyraadka dabiiciga ah.
  3. c) Si loo dedejiyo samaynta shucuucda qaybsiga khayraadka dabiiciga ah waxay madashu ku heshiisay in la magacaabo mudo 45 cisho gudohood ah guddi ka kooban dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah oo ka soo shaqeeya heshiis ku meel gaar oo ku saabsan qabysiga khayraadka dalka.
  • Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah iyo Cahdiga cusub (New Deal)
  1. a) Waxaa la isla gartay inaan lagu qanacsanayn loona baahanyahay in dib u eegis lagu sameeyo cahdiga cusub (New Deal).
  2. b) Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliyeed in loo qaybiyo si cadaalad ah iyadoo la abuurayo jawi abuuri kara kalsooni iyo hufnaan lana dhiso guddi farsamo oo ka kooban Dawladda FS iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.

 

  1. Baahinta maamulka Gobolada iyo degmooyinka:

Waxay madasha isku raacday in Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda federaalka   ay dedejiyaan dhismaha iyo dhamaystirka maamulada gobolada iyo degmooyinka.

 

 

—————————————————–DHAMMAAD———————————

Hoos ka dhageyso warbixin Uu Ka Diyaariyay Wariye Maxamed Siciid.

Hoos ka Akhri Warmurtiyeedka:

1- 2-1

 

Daawo Sawiradda:

IMG_0005 IMG_0124 IMG_0121 IMG_0120 IMG_0112 IMG_0110 IMG_0103 IMG_0101 IMG_0100 IMG_0094 IMG_0078 IMG_0076 IMG_0075 IMG_0074 IMG_0072 IMG_0071 IMG_0066 IMG_0065 IMG_0058 IMG_0057 IMG_0055 IMG_0052 IMG_0050 IMG_0048 IMG_0038 IMG_0037 IMG_0020