Maamulka Magaalada Dhuusamareeb Ee Ahlusunna walajamaaca ayaa ku wargeliyay Hay’adaha ka shaqeeya Samafalka iyo bin aadan nimada ka howlgala Dhuusamareb iyo deegaanada hoos yimaada ina y dar dar geliyaan howlihii ay gobolka ka hayeen.

Maxamed Axmed Warsame Koofi oo xubin ka ah maamulka Ahlusunna ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in kulan maanta arrintaas laga yeeshay si toos ah loogu wargeliyay Hay’adaha in ay si rasmi ah u bilaabaan howlgaladoodoo samafal si buuxda .

Maamulku waxa uu u soo jeediyay hay’adihii joojiyay shaqooyinkoodii intii ay ka maqnayeen taladda Dhuusamareeb in ay si sharuud la’aan ah ku bilaabaan shaqooyinkooda.

Sikataba ha ahaatee waxaa gobolkaas ku sugan dad farabadan oo danyar ah kuwaa soo ubaahan samafal xoogleh oo dhinac kasta ah.

Dhageyso warbixin uu Gobolka Galgaduud ku diyaariyay wariye Maxamed C/wali Tooxoow