Culimaa udinka Ahlusuna waljamaaca ayaa ka hadlay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif SH Axmed kaas oo uu ku sheegay in aysan raali ka aheyn Dowladiisu soo gali taanka ciidamada Kenya gudaha qeybo ka mid ah Dalka.

Saraakiisha sar sare ee Ahlusuna oo kulan saxaafadeed ku qabtay gudaha Magaalada Dhuusamareen xarunta gobolkaasi ayaa sheegay in gebi ahaan cidii kala qebqadaneysa la dagaalanka Xarakada Alshaabaab oo ay iyagu dagaal kala dhaxeeyo ay soo dhaweynayaan .

Sh Cumar Sh C/qaadir Aadan gudoomiyaha gudiga talada Ahlusuna ayaa saxaafada u shegay in ay soo dhaweynayaan ciidamada Kenya ee so galay gudaha dalka, waxaanu intaasi ku daray in cid walboo dagaal la galeysa xarakada Alshabaab ayla jiraan islamarkaana ay la shaqeynayaan.

Waxaa la ogsoonyahay in xarakada Alshabaab iyo Culimaaudiinka Ahlusuna uu ka dhaxeeyo dagaal iyagoona mudooyin badan ku wada dagaalamay gudaha gobolka Galgaduud iyagoona tani ay ku taageereen ciidamada kenya Maadaama ciidamadaasi ay shaaciyeen in ay baacsanayaan xarakada Alshabaab Almujaahidiin .

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.