Maamulka Ahlusuna walajamaaca ee gobolada Dhexe dalka ayaa ku dhawaaqay in xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ay mamnuuc ka tahay Hub sharci daro ah in lagu dhex wato.

Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Maamulkaasi Sh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in aan la ogoleyn cid aan ka mid aheyn ciidanka amaanka in ay hub sharci daro ah ku dhexsidato gudaha magaalada Dhuusamareeb .

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan iyo kuwo kale oo amaanka ku saabsanba ay ka soo bexeen kulamo ay la qaateen odayasha dhaqanka iyo dhalinyarada iyo waxgaradka gobolka .

Amaradan ay soo rogeen masuuliyiinta gudiga Fulinta Maamulka Ahlusuna walhamaaca ayaa ka dambeysay ka dib markii 48dii saac ee aynu soo dhaafnay ay falal dilal ah ka dheceen Dhuusamareeb kuwaasi oo ay isugu geysteen dhalinyaro Hub sharci daro ah.

Maamulka Ahlusuna ayaana sheegay in talaabada hubkan ay ku mabnuuceen uu qeyb ka yahay talaabooyinka amaanka Gobolka Lagu adkeynayo.

SBC International Dhuusamareeb