Maxkamada Degmada Guriceel ee maamulka Ahlusuna waljamaaca ayaa xukun ku riday dhalinyado maxkamadeyntooda mudo maalmo ah loo fadhiyay.

Dhalinyarada xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu heystaa in ay sirdoon u ahaayeen lana shaqeynayeen xarakada Shabaab Almujaahidiin ugana ahaayeen deegaanada Ahlusuna waljamaaca ay ka arimiso.

madaxa garsoorka culimaa udiinka Ahlusuna waljamaaca Sh Siciid Macalin C/raxmaan oo la hadalay xafiiska SBC ee gobolkaas ayaa sheegay in lagu helay dhalinyaradan la xukumay eedeynta loo soo jeediyay isagoona intaasi raaciyay in lagu xukumay min halsano oo xarig ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay maamulka ahlusuna ku fuliyaan xukuno dad iyagu ku eedeysan dembiyo, balse tani waxay noqoneysaa midii ugu horeysay ee lagu rido dad iyagu lagu eedeynayo in ay ahaayeen sirdoon,

sikastaba ha ahaatee maalmihii  ugu dambeysay Maamulkaasi magaalooyinka weeweyne e gobolka galgaduud ee uu ka arimiyo waxa uu ka waday holgalo baaritaan xoogleh oo ay dad ku qabqabanayeen taas oo qeyb ka aheyd xaqiijinta Amaanka .

C/jamaal macalin Axmed
SBC International Galgaduud.