Ahlusuna oo ku hanjabay in ay dib ugu laabanayaan deegaanadii ay ka bexeen

Maamulka Culimada Ahlusuna waljamaaca ee Gobolada Dhexe dalka ayaa sheegay in ay dib ugu laabanayaan goboladii ay ka soo bexeen dhowaan ee ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Sh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo ah gudoomiyaha gudiga talada Maamulka Ahlusuna waljamaaca ayaa u sheegay saxaafada in Mardhow ay ku noqon doonaan deegaanadii ay ka soo bexeen xarakada Alshabaabna ay iminka ku sugantahay.

Waxa uu intaasi ku daray Xeefoow in markii hore deegaanadaasi ay ugaga soo bexeen xeelad meliteri ayna dhowaan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu noqonayaan iyagoona .

10kii bishan aynu ku guda jirno ayaa ay ka soo bexeen ciidamada Ahlusuna iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya gudaha deegaanada Maxaas , Wabxo iyo ceelbuur, halkaas oo ay waxyar ka dib yimaadeen Xoogaga xarakada Shabaab Almujaahidiin.

SBC INternational Dhuusamareeb.

Daalacatey :381

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print