Masuuliyiinta Sar sare ee Culimaa udiinka Ahlusuna waljameeca ayaa bilaabay baaqyo ku aadan wada hadal ay wada yeeshaan saraakiil ku sugan Degamda Caabudwaaq oo iyagu halkaasi kaga dhaaaqay Maamul Cusub.

Gudoomiyaha gudiga fulinta culimaaudinka Ahlusuna waljamaaca Sh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa saxaafada u sheegay in ay doonayaan wada hadal ay la galaan sida ugu dhaqsiyaha badan maamulkii dhowaan loogaga dhawaaqay degmada Caabaduwaaq kaas oo la baxay maamulka ahlusunada guud ee Soomaaliya.

Waxa uu gudoomiyuhu intaasi ku daray in wada hadalka ay u dalbanayaan sidii meel laisugu imanlahaa islamarkaana la isweydaarsanlahaa waxii aaraah ah ee lawada qabo, ama sidii loo ogaanlahaa ujeedooyinka uu maamulkani wato.

Horaantii bishan ayaa ay aheyd markii xubno ka kala socda deegaanada Bariga iyo Bartamaha Somalia ay isugu yimaadeen degmada Caabudwaaq halkaas oo ay kaga dhawaaqeen xubno ka mid noqonaya maamul cusub oo ay ahlusuna yeelato kaas oo horay u jiray shir dhowaan dhacayna loogu doortay xubno.

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.