Maamulka Ahlusuna waljameeca ee gobolka Gagalduud ayaa ka warbixiyay waxyaabaha keenay in maamul cusub loogaga dhawaaqo degmada Caabudwaaq ee gobolkaasi xili Ahlusuna ay doorteen maamul matalaya Degmada caabudwaaq.

C/risaaq Maxamed Axmed Gudoomiye ku xigeen ahna wakiilka Arimaha dibada ee maamulka cusub ee lagaga dhawaaqay Caabudwaaq ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay ugu dhawaaqeen maamulkani ay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalka ay Ahlusuna kula jirto xarakada Alshabab sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu intaasi raaciyay in ay doonayaan maamulkoodu uu horay ugu sii dhaqaajiro arimaha Amaanka iyo horumarka, balse waxaa arintaasi siweyn uga soo horjeestay Prof Xirsi Maxamuud Hilowle oo ah gudoomiyaha Ahlusunada gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya isagoona sheegay in dadka maamulkani ku dawaaqay aysan aheyn kuwo u qalma islamarkaana madax ka noqda.

sikastoo ay ahaataba hadalada ka soo kala baxaya dhinacyadan ka tirsan Maamulka Culimada Ahlusuna waljamaaca ayaa waxa uu imanayaa xili maalmo ka hor masuuliyiin ka tirsan Ahlusuna ay iclaamiyeen dagaal ay la galaan xarakada Mujaahidinta alshabaab.

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Dhuusamareeb.