Maamulka gobolada dhexe sida gobolka Galgaduud ka arimiya ee Ahlusuna waljamaaca ayaa maanta howlgalo ay deegaano ka mid ah gobolkaasi ka sameeyeen waxa ay ku soo qabqabteen rag iyo lagu sheegay in ay dhac u geysteen raashin mucaawimo ah.

Ku dhowaad 18nin ayaa ay gacanta ku dhigeen ciidamada Maamulka Ahlusuna iyagoona dhigay Xabsida raashinkii ay dheceena ka soo celiyay.

Ragani dhacay raashinka ayaa sida la sheegay waxa ay ka mid ahaayeen ciidamada Ahlusuna waljameeca inkastoo uu been la dhoodhoobay ku tilmaamay madaxa Arimaha Bulshada ee Maamulka Ahlusuna waljamaaca.

Raashinkan ayaa ahaa mid loogu talagalay xeryo qaxooti oo ku yaala degmada Guriceel, waxaana ay kooxahani qafaashay geeyeen raashinkani deegaan dhanka waqooyi kagabeegan Dhuusamareeb 50 km .

Sikastaba ha ahaatee Ahlusuna waljameeca ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobolka Galgaduud howlgalo loogu magacdaray sara u qaadista Amaanka gobolka .

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud