Maamulka Degmada Guriceel , gobolkaasi galgaduud ee Ahlusuna walajamaaca ayaa kulan saxaafadeed uu ku qabtay magaaladaas waxa uu digniin ugu jeediyay cid alaale cidii amaan daro la damacsan gobolada uu Maamulkoodu ka arimiyo.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee maamulka Ahlusuna waljamaaca ee degmada Guriceel ayaa sheegay in aan lagu fur furin habqabiil, isagoona u sheegay dadweynaha ku dhaqan gobolka ay iska jiraan arimaha qabyaalada ayna qabyaaladu tahay tan ay umada soomaaliyeed ka dheefeen dhibaatada iyo dowlad la’aanta mudo labaatan iyo dhowr sano ah.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa soo baxayay warar hadal heyn ku aadan in ay jiraan dad doonaya in ay falal amaan daro ka fuliyaan qeybo ka mid ah deegaanada gobolka Galgaduud ee uu ka arimiyo maamulka Ahlusuna waljamaaca siiba degmada Guriceel, waxaanu u sheegay gudoomiye ku xigeenku dadka ku howlan arimahaas digniin xoogleh taasi oo ku aadan talaabooyinka laga qaadi doono.

Si kastoo uu xaalku ahaadaba maalmihii ugu dambeeyay waxaa laga dareemayay xaalado feejignaan ah oo ay maamulka Ahlusuna ku doonayaan in ay ugaga hortagaan falalka Amaandari ee sida la shegay lala damacsanyahay gobolka,

C/jamaal Macalin
SBC International Garoowe.