Walxahani qarxa ayaa waxaa la soo dhigay Bartamaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyadoona lagu soo riday jawaan, waxaana ay ku qabteen ciidamada Ahlusuna ee deegaankaasi goob timaha laga jarto .

Cali Baashi Aadan Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Ahlusuna ee Degmada Guriceel ayaa u xaqiijiyay dhacdadani Xafiiska SBC International ee gobolka, isagoona intaasi ku daray in ciidamada ay ku guuleysteen in ay soo saaraan qaraxyo iyana dhulka lagu aasay oo goob aan sidaasi uga fogeyn halka qaraxa hore laga qabtay.

Si isdaba joog ah ayay deegaanku uga soconayeen isbuucyadii aynu soo dhaafnay heeganka la gelinayo ciidanka Amaanka iyagoona halkaasi ka sameynayay howlgalo baaritaano ah oo amaan sugid ah, waxaanay ka codsanayeen dadka deegaanka in ay kagala qeyb qaataan sidii amaanka loo xasilin laha shacabweynaha.

Waxa ay ku soo aadayaan qaraxyadan la qabtay xili ay soo bexeen digniino ku aadan amaan daro ku soo wajahan deegaanada Ahlusuna taasi oo ay shaaciyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Maamulka Ahlusuna.

C/Jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud