Maamulka Ahlusuna waljamaaca ee Degmada Caabudwaaq ee Gobolkaasi Galagaduud ayaa wacad ku maray in ay gacanta ku soo dhigi doonaan kooxihii ka dambeeyay dil habeenkii xalay ahaa halkaasi loogu geystay nin ganacsade ah.

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Maamulka Ahlusuna Caabudwaaq ayaa Axmed Maxamed Aadan ayaa kulan saxaafadeed uu ku qabtay Gudaha Magaaladaasi sheegay in arintaasi ay ka maamul ahaan si toos ah ugu howlan yihiin sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay kiiskaasi.

“Dabagal iyo Raad raac badan ayaanu ku heynaa kooxahaasi, waxaana rajeyneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan aan gacanta ugu soo dhigno” ayaa ka mid ahaa hadaladii uu saxaafada ka yiri gudoomiye xigeenka Degmada Caabudwaaq ee Ahlusuna.

Dhacdada lagu dilay Habeenkii xalay ahaa mid ka mid ah ganacsatada deegaanka Caabudwaaq islamarkaana kooxihii dilay ay meesha ka baxsadeen ayaa noqoneysa mid ku cusub deegaanada Maamulka Ahlusuna uu ka jiro sanadihii ugu dambeeyay, waxaana iminka ay sheegayaan Masuuliyiinta  Maamulkaasi in ay dadaal ugu jiraan sidii arimahani loogaga hortagi lahaa oo aaynan u soo laabanin.

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.