Ahlusuna Waljamaaca ayaa ku eedeysay Maamulka Ximan iyo Xeeb ee deriska la ah in uu ku howlanyahay Abaabulka dhibaatooyin laga geysto gobolka, islamarkaana ay ka leexdeen masuuliyiinta magacaasi haysta ujeedadii loomagacaabay,

Waxa uu sheegay Sh Maxamed Yuusuf Xeefow gudoomiyaha Gudiga Fulinta Ahlusuna waljamaaca in Maamulkaasi uu xiriir la leeyahay Burcad badeeda iyo xarakada Alshabaab, islamarkaana ay ka adambeeyeen dhacdadii afduubka dadkii ajinabiga ahaa ee laga soo qafaashay Gaalkacyo.

“Waan Ognahay Maamulkaasi, waxa ay shurko yihiin Burcad badeeda iyo Xarakada Alshabaab, waxaana ay ka dambeeyeen Afduubka dadkii ajaaniibta ahaa ee laga soo qafaashay Gaalkacyo” ayaa uu yiri Sh Xeefoow, isagoona intaasi ku daray in iminka ay heshiisyo ku galeen sidii arimahaasi oo kale looga geysan lahaa gobolka ay ahlusuna ka arimiso.

Waxaa uu tilmaamay in aanay ka aqlbaleyn una suurto galeynin Maamulkaasi in ay arimahaasi oo kale ka geystaan gobolada Ahlusuna waljamaaca kana hortagi doonaan.

Waa markii ugu horeysay oo ay Ahlusuna Masuuliyiintoodu ku eedeeyaan Ximan iyo Xeeb falalka Afduubka iyo weliba xiriirka maamulkaas iyo weliba Burcad badeeda iyo Xarakada Alshabaab iyo weliba in laga soo abaabulayo deegaanada Ximan iyo xeeb qorshe yaal ka dhan ah Deegaanada Ahlusuna.

C/Jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud