Gudoomiyaha gudiga fulinta Ahlusuna waljamaaca Sh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa maanta uga dhawaaqay Banaan bax balaaran oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ardayda iskoolaadka in ay qaadayaan dagaalkii ugu dambeeyay ee ay ku safeynayaan sida uu hadalka u dhigay xoogaga xarakada Alshabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale dadka ugu baaqay in ay dagaalka u soo diyaar garoobaan islamarkaana loogaga baahanyahay in ay ka qaataan qeybtooda qeybaha kala duwan ee bulshada sida Dhalinyarada, iyo Hawenka.

“waxaa loobaahan yahay in siweyn looga qeyb qaato dagaalkan lagu tirtirayo Alshabaab, diyaar malooyahay in ninwalbaa uu dagaalku qeybtiisa ka qaato, hadaba qofwalibow soo qaado qorigaaga” ayaa hadaladiisii ka mid ahaa gudoomiye Maxamed yuusuf Xefow .

Ku dhawaaqista Ahlusuna dagaal ka dhan ah xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa imana xili ay soconayaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo deegaanada gobolka Galgaduud ee ay ku kala suganyihin labada dhinac ay ka wadaan.

C/jamaal Macalin 
SBC International Galgaduud.