Warbaahinta Somalida qaybteeda, ayaa Khamiistii baahisay in xoogag cusub oo ka tirsan kuwa Amisom la geeyay Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Gobolada Dhexe, C/laahi Xersi Diirshe (Daacad), ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ciidan ka socdo Amisom la geeyay Dhuusamareeb.

Madaxweyne Kuxigeenka, ayaa ku waramaya in Magaalada Dhuusamareeb ay weli jooggan ciidan, ay keentay Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa been abuur in ciidamo Amisom ah la keenay Magaalada Dhuusamareeb. Horey waxaa Dhuusamareeb u joogay ciidamo ay keentay dowladdii hore, illaa hadda kuwaasi ayaa joogga.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenku.

C/laahi Xersi Diirshe, Madaxweyne Kuxigeenka Gobolada Dhexe, ayaa dhanka kale beeniyay in Maamulkoodu uu wadahadal kula jiro Maamulka Galmudug.

“Ma jiraan wadahadal inoo socda anaga iyo Galmudug.” Ayuu yiri C/laahi Xersi Diirshe (Daacad)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa billihii la soo dhaafay qaaday isku dayo uu ku doonayay in uu ku soo xero geliyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, waxaase muuqata inaanay weli waxba uga suurtagelin.