Hargeysa- Warbaahinta Deegaanada Maamulka La magacbaxay Somaliland ayaa shaaciyay in Wadanka Mareykanka lagu xiray Cali Maxamed Cali oo ahaa Agaasimihii Guud ee wasaarada waxbarashada Somaliland kaasi oo loo haysto Arimo Burcad badeed.

Agaasimaha Waxbarashada Cali Maxamed Cali ayaa la shaaciyay in loo haysto Danbiyo la xirira inuu turjubaan u ahaa BUrcad badeed Soomaali ah oo afduubatay MArkab lagu haystay Xeebaha Soomaaliya Markabkaasi oo ka diwaangashanaa Wadanka Mareykanka.

Cali Maxamed Cali waxaa sidoo kale loo haystaa inuu kooxda uu turjubaanka u ahaa uu u dalbaday Lacag Dhan 7 million oo doolar kadibna markii lacagtaasi la bixiyay uu Burcad badeedii siiyay 1.5 Million oo dollar intii kalena uu isagu qaatay.

Maamulka Somaliland Saraakiishooda CID-da ayaa horey su’aalo u weydiiyay Agaasimaha ka hor inatii aanu madaxweynaha Somaliland aanu soo saarin Qoraal shaqada lagaga saarayo isaga oo lala xiriirinayo inuu la shaqeeyay Burcad badeed Soomaali ah.

Masuulkan horey uga tirsanaa MAamulka Somaliland ayaa waxaa la sheegay in Markabka la afduubtay ee uu turjubaanka ka ahaa la haystay Muddo 7 bilood ah sannadkii 2008-dii

Warar laga helayo Sarakiisha Maamulkaasi kana gaabsaday in magacood la xuso ayaa sheegay in uu si dhuumaaleysi ah uga baxday Magaalada Hargeysa Laguna qabtay Wadanka Mareykanka dhawaana maxkamad halkaasi lagu soo taagi Doono.

SBC International News Desk