Xafladaani oo ka dhacday xarunta wasaarada waxbarashada ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka soo Qayb galay madaxda sarsare ee wasaarada waxbarashada oo uu ugu horreeyo wasiirka waxbarashada ee Puntladn C/ Faarax Juxaa ,wasiir ku xigeenada wasaarada waxbarashada ,agaasimayaasha kala gadisan Ee wasaaradu ka koobantahay iyo hay’adaha wasaarada kala shaqeeya dhanka waxbarashada .

Ugu horrayntiiba  waxaa halkaasi ka hadlay agaasimihii hore ee  maanta sida rasmiga ah xilka u Wareejinayay  C/qaadir Yusuf Nuux oo sheegay in uu aad ugu faxsanyahay in uu xilka ku wareejiyo Agaasimah cusub ee wasaarada waxbarashada maxamed C/  Wahaab sheegayna in  uu siwanaagsan  ula Shaqayndoono agaasimahaani cusub.

Maxamed C/  Wahaab oo ah agaasimaha guud ee wasaarada  waxbarashada ee dhawaanta la soo Magacaabay ayaa isna uga mahadceliyay agaasimihii ka horreeyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu Wareejiyay uuna yahay nin shaqo wanaagsan kasoo qabtay wasaarada waxbarashada ayna wasaaradaani tahay halbowlaha ummada reer Puntland.

Gabagabadiina waxaa ka hadlauya xafladaasi xil wareejinta ahayd wasiirka waxbarashada ee Puntland C/ Faarax Siciid Juxaa ayaa dhammaanba shaqaalaha wasaarada waxbarashada ku amray inay wixii xog ah Ay ku waeejiyaan agaasimah guud ee wasaarada ayna si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Dhawaanta ayay ahayd markii uu madaxwaynaha Puntland u soo magacaabay Maxamed C/  Wahaab in Uu noqdo Agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada Puntland wuxuuna ku soo beeg mayaa Agaasimah Cusubi xilli ay wasaarada waxbarashada Puntland horru mar la taaban karo ka gaartay dhanka horumarinta waxbarashada .

Filo Sawiro
Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe