Tababarkan oo ah kii labaad oo loo qabto Agaasimayaasha Guud ee
wasaradaha Puntland iyo kuwa madaxa banaan ayaa waxaa lagu sheegay
ujeedadiisa Qorshaynta iyo Dajinta siyaasada Habraaca ay ku shaqeeyaan
Wasaradaha sidii tababar looga siin lahaa sida uu ku sharxay Madaxa
Hayadda Astaynta iyo maamul wanaaga oo barnaamijaan waday isla
markaasna ay Hayada UNDP ay Qayb ka tahay xasan daahir Maxamuud oo
sheegay in uu ku saabsan yahay siyasada iyo dajinta.

Wasiirka Maamul wanaaga Madaxtooyada Maxamed Farax Ciise Gaashaan oo si
rasmi ah u furay Tababarkaan ayaa tilmaamay tababarkaani muhimada uu
u leeyahay agaasimayaasha Guud marka loo eego dajinta siyaasada,
Maamulka ayaa ah mid loo bahan yahay in ay ka wada qeyb qaataan siyaasada
mid guud iyo mid gaar ahaneedba.

Marka laga yimaado shaqada Wasiir oo la rumaysan yahay in ay tahay
Halka siyaasada wasaaradaas uu madaxa u yahay, waxaa shaqooyinka iyo
Hawlgalinta shaqaalaha si gaara ugu shuqul leh Agasimayaasha Guud,
laakin waxaa ujeedka shaqada u sharaxay Wasiirka Maamul wanaaga Maxamed
Farax Ciise Gashaan Mar kale oo ay tahay shaqada wasarada kala
wadiideeda in uu leeyahay agaasimaha Guud

Xarunta jamacada PSU ee Magalada Garowe waxaa manta uga furmay kulan
socon doona mudo sadex maalmod agaasimayaashan Guud ee wasaradaha,
Puntland kuwaas oo lagu tabarayo siyaasada qorshaynta iyo hab raaca oo ay
gaacan ka gaysanayso Hayada UNDP si loo ogaado siyaashada Hayadaha
dowladu.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe