Cabdullaahi Xirsi Cadde Agaasimaha Radio Galkacyo ayaa wali ku xiran xabsi ku yaala magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug oo ay idaacadaasi ka howl gasho Waxaana isaga oo ku jira xabsiga sida uu sheegay uu warbaahinta SBC u sheegay in ay xireen maamulka gobolka mudug.

Agaasimaha idaacadaas ayaa sidoo kale sheegay in loo yeeray oo dacwad ka dhan ah ay jirto ka gadaalna la xiray oo aan ilaa iyo haatan loo sheegin sababaha loo xiray Sida uu u xaqiijiyay Mr Cabdulaahi oo intaasi ku daray in maamulka gobolka mudug ay xireen isaga iyo idaacada balse markii danbe la fasaxay idaacada gelinkii danbe ee Maanta.

Waxaa sidoo kale uu u sheegay SBC in idaacadaas ka howl gasha magaalada Gaalkacyo ay ka hadasho oo kaliya arimaha bulshada balse aysan ka hadlin dhanka Siyaasada Puntland taasoo uu ku macneeyay in wax cad aan loo sheegin oo ku aadan xariga laakiin ay ka war sugayaan maamulka gobolka mudug maalinta barri ah Hadii Eebo idmo.

Ugu danbayntii xariga maamulka idaacada radio gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xilli idaacadaas ay shaqadeedii warbaahineed wadato iyo waliba sidoo kale aysan ka Hadlin mas,uuliyiinta gobolka mudug oo ay noo suurta gali wayday in aaan helno.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso