Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dadkan oo caasimada ku sugan ayaa intaas ku darey in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC. Dadweynaha ayaa sheegay in warki xaley ee 11-ka habeenimo uu baaqdey, halkiisina lagu badaley madadaalo heeso u badan.

Talaadadi ayey dowlada Zibabwi qiyaano qaran ku eedeysay taliyaha ciidamada xooga, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku goodiyey in uu farogalin ku sameeyey siyaasada dalka. Warbixin uu soo saarey xisbiga talada hayo ee ZANU-PF ayaa Talaadadii lagu sheegay in ay ka walwalsanyihiin in ay ciidamadu wadaan afganbi.

Taliyaha ciidammada Zimbabwe Constantino Chiwenga ayaa ka digay in milatarigu uu talada la wareegi doono.

Hasa ahaatee, sida aanu ka soo xiganay laanta Zimbabwi, taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada ayaa dadweynaha reer Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri; wax afganbi ah kama jiro dalka. Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.

Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC, iyadoo badhtanka lagaga jiro xiisadda sii koraysa ee dalkaasi ka jirta.

Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah.
Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.

Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.