Caawa waxa isdoortay 4 xaafadood oo ka soobaxay 24kii xaafadood ee uu u dhexeeyay tartanka Kediska SBC International kuwaas oo ku soo baxay Tartan Dadaal iyo Tartamo aad u xiiso badan .

Afartaasi xaafadood ayaa waxay kala yihiin
Xaafada Biyo kulule Boosaaso
Xaafada Qoryacad Qardho
Xaafada Xingood Qardho
XAafada Xorgoble Qardho.

Xaafadahan ayaa waxaa sidii caadada aheyd xaflad loogu qabtay Xarunta Warbaahinta SBC gaar ahaan studio-yaha Idaacada SBC, waxana goob joog ahaa Wakiilada ka socday 4ta xaafadood, iyagoona halkaasi ka sheegay in ay diyaar u yihiin qori tuurka ayna ku kalsoon yihiin.

Waxa halkaasi sidoo kale ku sugnaa gudiga Garsoorka Kediska SBC, Maamulka Warbaahinta SBC, wariye yaal iyo weliba masuuliyiin sare oo ka socday Shirkada maalgelineysa Kediska ee Golis telecom.

Waxa bilaabatay Xaflada qori tuurka iyadoona ay mid mid u soo istaageen Wakiilada xaafadaha islamarkaana maaquli ama Madiibad kala baxayay warqad duuban oo ay ku qorantahay number kaas oo isku aadineysa xaafadaha.

Hadaba qabsashadii qori tuurka waxay u dhacday sidan waxaana xaafadaha ay u kala qabsadeen sidan.
Biyo kule Boosaaso 4
Qoryacad Qardho 2
Xingood Qardho 1
Xorgoble Qardho 3

Waxaana sida kale sidan ay isugu aadeen xaafadaha
Xaafada Xingood oo qabsatay 1 waxay ku dhacday xaafada Qoryacad Qardho oo 2 qabsatay.
Xaafada Xorgoble Qardho oo qabsatay 3 waxay ku dhacday Xaafada Biyo kulule oo qabsatay 4

Hadaba Afartan Xaafadood ayaa waxa ay ku kulmi doonaan maslaxa Habeen dambe iyadoo qeybta hore ay ku kulmi doonaan Xaafadaha Xingood Qardho Vs Qoryacad Qardho, halka qaybta dambe ay ku kulmayaan Xaafada Biyo kulule Boosaaso Vs Xorgoble Qardho.

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

    Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com