Xaflad lagu soo bandhigayay adeega Kaaftoon ee uu soo kordhiyay Bangiga Salaam Puntland Bank oo lagu qabtay Hotel Juba ee magaalada Boosaaso

Waxaa xafladaas ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo kala socday qaybo badan oo ay ka mid ahaayeen ganacsato, siyaasiin, ururada dhalinyarada, odayaal dhaqameedyo iyo qaybaha kale ee bulshada.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay gobtaas maamulaha Salaam Puntland  Bank Maxamed Jaamac  oo ka war bixiyay adeegan cusub ee Kaaftoon oo uu ku tilmamay in uu yahay adeeg kuu sahlaya in aad adoo gurigaaga jooga isticmaali karto,  lacagta kuugu jirta akoonkaaga aad bangiga ku leedahay adoo isticmaalaya adeega Sahal,

Sidoo kale hadad damacdo in aad lacag dhigato bandhiga aad sahalkaga ka isticmaali kartid adigoo si fudud u dhiganaya Bangiga, waxaadna isticmaali kartaa xiliyada bangiga uu xiranyahay, sida maalmaha Iida iyo Jimcaha, sidoo kale habeenkii isagoo sheegay in uu mihiimad gaar ah u leeyahay ganacsatada  oo uu u fudidaynayo waxyaalo badan, isgoo ugu dambayntii sheegay in ay mahad balaaran u jeedinayaan bulshada .una keeni doonan wax walba oo ay caalamka kula tartami karaan.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Cumar Ciise Maxamed .(Cumar Faaruuq) oo ku hadlayay magac Golis  ayaa isna sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan adegan cusub ee kaaftoon oo uu ku timamay in uu yahay adeeg looga kaaftoomi karo wax yaalo badan oo dhib ku ahaa qofka maadama adoo gurigaagi jooga aad wax alle iyo waxad rabto u adeegsankarto  isgoo sheegay in loo bahanyahay in la isticmaalo adeegan faa idad leh..

Waxaa isna goobtaa ka hadlay Sh.Daahir Aw Cabdi oo isna soo dhaweeyay adeega cusub ee Kaaftoo oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid horumar u leh umada Soomaaliyeed  oo ay ku faani karan  ayna ad u soo dhawaynayan  uuna u arko mid faa.ido u leh dadka ganacsato iyo bulshada kalaba,

Waxa kaloo goobtaas baaq ugu diray labada beelood ee ay xurguftu ku dhex martay Gobalka Bari isgoo sheegay in loo banyahay in illah laga  baqo lana sabro sabarkuna uu maalin idin afici doona  marka in la sabro ayuu  ugu baaqay isgoo maamulka iyo nabadoonada ugu baaqay in ay arinkan wax ka qabtaan  isagoo kusoo gaba gabeeyay in ay soo dhawaynayaan adeega Kaaftoon oo ah adeeg casri ah.

Ugu danbayntii waxaa xafladaas ka hadlay Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo sheegay in uu mantay si wanaagsan ugu farxay adeegan casriga ah ee Kaaftoon isagoo sheegay in ay lahayn wadamada  Qaarada Afrika  tahayna Mid lagu farxo adeegan  qaaliga ah ee adoo gurigaaga jooga aad wax walba qabsankarto  dhigana karto bangiga adoo u isticmaalaya Adeega Sahal ee Shirkada Golis.

Sidoo kale Siyaasi Cali Cabdi Awaare waxa uu baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaalaha ah  oo uu ugu baaqay in ay iska dhaafaan dhibka illaheyna ka baqaan,

Salaam Puntland Bank waa Bangigii ugu horeeyay ee noociisa ah ee laga furo deeganada Puntland isagoo soo kordhiyay adeegyo casri ah oo uu kamid yahay adeega Kaaftoon oo ah adeeg kuu sahlaya in aad lagactaada bangiga kuu taal lasoo bixi karto  adoon bangiga tagin waxaana adeegan isticmaali kara qof walba oo isticmaala adeega Sahal.

Filo Sawiro…




Axmed Nuune
SBC International Boosaaso