Maanta deegaanka Jasiira ee duleedka Degmada Wadajir ee xaasimada Soomaaliya waxaa lagu aasay Alle ha u naxariistee Gabyaagii caanka ahaa ee ka mid ahaa abwaanada waaweyn ee magaalada Muqdisho Maxamed Gacal Xaayoow.  [audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/Cali-Luck-Man-Abwaan-Geeriyooday.mp3|titles=Cali Luck Man (Abwaan Geeriyooday)]

Alle Ha u naxariistee Abwaan Maxamed Gacal Xaayoow waxa uu Maalin nimadii shalay Gelinkeedii dambe ku geeriyooday Hoygiisa oo ku yaala degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu u geeriyooday Xanuun in mudo ah hayay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Eheladiisa .

Aaskii Marxuumka ee dhacay maanta ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan DKMG ah siiba qaar ka mid ah gudoomiye yaasha degmooyinka Muqdisho waxaana siweyn uga dhexmuuqday gudoomiyaha Degmada wajir Axmed Daaci .

Abwaan Maxamed Gacal Xaayoow ayaa waxaa lagu xasuusan karaa Gabayada Wadaniga ah Dhaqanka kuwa Arimaha bulshada iyo weliba ka hadalka qarannimada iyo wanaaga Nabadda, waxaase dadka qaar ay ku dhaliili jireen Abwaanka in uusan marnaba afkiisu soomarin jirin gabayo ku aadan Jaceylka .

Sidoo kale waxaa la xusikaraa oo uu Abwaanku intii uu noolaa nolashiisa ee dambe in uu indha la’aa islamarkaana gabayada uu soo tuurayo isagoo indhala’a ay ahaayeen kuwo siweyn loo jecelyahay islamarkaana ka hadla xaqiiqada nolosha .

Cali Maxamed Axmed Lucky
SBC International Muqdisho.