Luuq- Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sh C/Casiis Abuu Muscab oo la hadlay qeybaha kala duwan ee qalabka warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada xarakada Alshabaab ee ka dagaalama gobolka Gedo ay guulo ka soo hoyeen dagaalo ay ku qaadeen ciidamada Dowlada KMG ah ee ku sugan degmada Luuq ee gobolkaasi..

Waxa uu sheegay in habeenimadii xalay ay dagaalo ka dheceen deegaano ay ka mid tahay Luuq, waxaana dagaaladaasi uu sheegay in ay iyagu qaadeen islamarkaana ay guul ka soo hoyen ciidamada Xarakada alshabaab .

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ciidamadooda ay jab xoogleh gaarsiiyeen ciidamada halkaasi ku sugan ee DKMG ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG ah ee ku sugan Luuq ayaa sheegay in dagaalada ka dhacay Luuq ay ahaayeen kuwo waqti kooban soconayay islamarkaana ay ahaayeen dagaalo ay ku soo qaadeen xarakada Alshabaab ciidamada KMG ah ee Soomaaliya ayna iska difaaceen .

Dagalkan ka dhacay Luuq waxa uu dhacay habeenimadii xalay waxaana uu ku soo aadayaa xili ay dagaalo kale ka soconayaan gudaha gobolka Gedo kuwaas oo u dhexeeya labadan dhinac, kaas oo ka dhacay deegaanka Buusaar.

Sikastaba ha ahaatee majiraan ilo wareedyo la lagu kalsoonan karo oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay luuq marka laga reebo sheegashada labada dhinac ee dagaalamay.

SBC International Monitoring.