Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ah saraakiisha sar sar ee xarakada Al-Shabaab ayaa khudbad uu ka jeediyey banaanbax shaley ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay wuxuu shacabka Soomaaliyeed kaga dalbadey wixii gafef ah ee kooxdiisu ay ka tabanayaan.

Banaanbaxan oo looga soo horjeeday faragalinta dhanka ciidamada ee dawlada Kenya ay ku sameysey gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, isla markaana lagu taageerayey guulaha la sheegay in dagaaladii ugu dambeeyey ee Dayniile ay ka gaareen xarakada Shabaab gaar ahaan dilkii in ku dhaw 70 askari oo ka mid ahaa ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka soo qayb galey saraakiil kala duwan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaasi oo isagu jiray Soomaali & Ajanabi.

Khudbad uu jeediyey Abuu Mansuur wuxuu kaga codsaday shacabka Soomaaliyeed inay ka cafiyaan wixii ay ka tabanayaan isla markaana sida uu hadalka u dhigay ay kala qayb qaataan difaaca dalka oo uu ku tilmaamay in ay ku soo duushay gaalo.

“Waxaan leeyahay maanta raali ahaada, oo noo samra, Insha ALAAHU na cafiya, hadii kale oo ay taasi noqon waysanaya waxaan leeyahay maalin dambaan garami doonaa gees hoostiisna fariisan doannaaye dalka aan isla difaacno oo aan gaalada iska dhicino” ayuu yiri Abuu Mansuur.

Hadalka Abuu Mansuur oo VIDEO ama muuqaal ah link-ga hoose ka daawo.HALKAN KA DAAWO

Mukhtaar Iidow Nuunow (Jikow)
SBC International Baydhabo