Abaartii ugu ba’aneyd ayaa ku dhufatey dalkeena Soomaaliya waxaana macaluul & nolol xumo ka dhalatey roobabkii oo aan da’in mudo 2 sano ah, dagaalo baahsan & hay’adihii samafalka oo dalka isaga baxay xiligan la ildaran 2,800 (Laba Milyan & sideed boqol oo kun) oo qof Soomaaliya, waxanaa dhibaatada ugu ba’ani ay saameysay dadka jilicsan sida waayeelka, caruurta & haweenka, iyadoo abaartu ay sameysay guud ahaan Soomaaliya balse ay ugu daran yihiin gobolada Koonfuteed.

100 caruur ah ayaa Soomaaliya maalin kasta ku dhimata

Hay’adda UNICEF ee qaramada midoobay u qaabilsan hooyada & dhalaanka waxay shaaca ka qaaday in 100 caruur ah maalin kasta ay ku dhintaan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo u geeriyooda saameynta abaaraha.

60 kun oo qof ayaa barakaca maalin kasta

Sidoo kale qaramada midoobay waxay sheegtey in maalin kasta wadanka Soomaaliya ay ka barakacaan 60 kun qof, waxaana dadkaasi ay u baxsanayaan gudaha Soomaaliya gobolada ay ka heli karaan amaan & nolol & wadamada dariska ah sida Kenya & Itoobiya.

Qaramada midoobay waxay sheegtey in xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee ku taal gobolka waqooyi Bari ee Kenya oo xiligan ah xerada qaxooti ee aduunka ugu weyn ay ku sugan yihiin 350 kun oo qof, iyadoo markii hore xeradaasi loogu tala galay 90 kun oo qof oo kaliya.

3100 barakacayaal ah ayaa maalin kasta taga Kenya & Itoobiya

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in maalin kasta 1700 (Kun & todobo boqol ) oo qof ay tagaan xerada qaxootiga Doolow ee Koonfurta bari ee Itoobiya, halka xerada Dhadhaab ay maalin kasta iska xaadiriyaan 1400 (Kun & afar boqol) oo qof.

Qulqulka barakacayaal hor leh

Gobolada ay abaaruhu sida xun u aafeeyen ayaa waxaa ka mid ah Gobolada Shabellaha Dhexe, Shabellaha Hoose, Bay, Bakool, Hiiraan iyo Jubada Hoose  waxaana magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey ku soo qulqulayay kumanaan kun oo qof oo ka soo barakacay goboladaasi, iyadoo dadkaasi ay beegsanayaan goobaha ay gacanta ku hayso dawlada KMG.

Shabaab, Mareykanka & Qaramada Midobay oo markii ugu horeysay isku aragto arin ka noqdey

Ka dib markii xarakada Al-Shabaab gacnata ku haysa badi gobolada Koonfureed ay shaaca ka qaaday inay u fasaxayso “Mulism & Gaal” cid kasta oo gargaar u fidinaysa dadka abaaruhu waxyeeleeyeen ayaa waxaa hadalkaasi si taxadar ku jiro u soo dhaweeyey Qaramada Midoobay oo sheegtey inay soo dhaweynayaan hadalkaasi aynka ku faraxsan yihiin in ay u yeeshaan galangal in la caawiyo daka baahan ee ay abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale dawlada Mareykanka ayaa sheegtey inay ku eegayso indho quman hadalka soo baxay Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen inay tijaabinayaan hadalkaasi in uu dhaqan galayo iyo in kale.

Guud ahaan xaaladan abaareed ee ka taagan gobolada Koonfureed & qaybo ka mid ah gobolada dhexe ayaa xiloigan waxaa qaylo dhaan xoogan ka muujinaya aduunweynaha, balse waxya u muuqanaysaa in laga gaabiyey xili wax kaqabad ay lahaayeen abaarahan dhibaatada xoogan sababay. (Vedio -ga hoose ka daawo barnaamij muujinaya dhibaatada abaarta & saameynta dadka oo uu baaiyey SBC TV)

Daawo

DKMG oo gudi qaran magacowday

Dawlada KMG Soomaaliya ayaa gudi qaran u magacowday xaalada abaaraha & gurmad dadka barakacay, waxaana gudigan oo heer wasiir ah laga sugayaa inay si deg deg ah ugu hawlgalaan sidii gargaar wax ku ool ah oo sida ay tahay loola xisaabtamayo cid kasta oo sheeganaysa inay caawinayso Soomaalida baahan, iyadoo in magac ay ku sheegtaan hay’adaha caalamiga ah gargaarka Soomaaliya looga fadhiyo la xisaabtankeeda gudigaasi.

Al-Shabaab oo xero gargaar

Xarkada AL-Shabaab ayaa ka sameysay xero ay lagu taageerayo dadka barakacay garoonka diyaaradaha ee No 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana halkaasi ay boqolaal qoys ugu qaybiyeen gargaar isugu jira cunto, daawo & dhar, iyagoo halkaasi ka dhisay teendhooyin ay hoy ka dhiganayaan dadka soo barakacay

Dadka Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan ayaa waxay wadaan gurmad xoogan iyadoo saxaafada gudaha & dibada ay baahinayaan barnaamijyo & warar ku aadan xaaladan abaareed uu ku dhufatey dhulalka Soomaalida.

Dadka qurbo jooga ah ayaa laga sugayaa inay noqdaan xooga ugu badan ee ka qayb qaata kaalmeynta walaalahooda ku dhibaatsaysan xaaladan abaareed ee ka taagan dalka, isla markaana kaalin weyn ka qaataan gurmadkan oo ah mid aduun & aakhiroba xasanaad xambaarsan.

DAAWO SAWIRADA



mowliidsons@gmail.com

Mowliid Xaaji Cabdi