Arin la yaab leh oo ku aadan abaalmarinta laacibka kubada cagta ee sanadkan ee dalka Bulgaria ayaa saxaafada loo soo bandhigay, ka dib markii weeraryahanka u dhashay wadankaasi Dimitar Berbatov kana tirsan kooxda Manchester United uu diidey in uu abaalramarintaasi gudoomo.

Dimitar Berbatov oo sanado ka hor iska casilay xulka qaranak dalkiisa ayaa sabab uga dhigay diidmada abaalmarintaasi qaaliga ah isagoo ka daalay sidii uu u qaadanayey abaalmarintaasi oo uu ku guuleystey mudo fara badan.

Hadaba markii uu diidey Berbatov in la gudoonsiiyo abaalmarintaasi ayaa taageerayaasha iyo bahda ciyaaraha ee dalka Bulgaria waxay miiska soo saareen in abaalmarintaasi la gudoonsiiyo Ra’isalwasaaraha dalkaasi Boyko Borisov kaasi oo laga yaabo in abaalmarintaasi uu helo sanadkan.

Ra’isalwasaare Borisov, oo mar mar ka u ciyaara kooxda Vitosha Bistritsa, ee ka mid ah kooxaha heerka sadexaad (Sera B) ayaa helay codad gaaraya 2 kun oo ku aadan in uu helo abaalmarintaasio, waxaana uu ka codad badan yahay ciyaaryahano fara badan oo la tartamaya.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com