Maanta gudaha magaalada Muqdisho xarunta adlka waxaa lagu aasay alaha u naxariistee xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya oo lagu magacaabay mustaf Sheeq Maxamed kaasi oo habeenimadii xalay kooxo hubeysani ay ku toogteen Degmada Waaberi .

Aaska Xildhibaanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan goleyaasha Dowlada Soomaaliya, Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sh Axmed , dadweyne badan iyo eheladii uu ka geeriyooday.

Alaha u naxariistee Xildhibaan Mustafe waxa uu ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya waxaana xalay ka dib salaadii maqrib lagu dilay wajahada Gurigiisa oo uu ku soo laabtay markii uu soo tukaday salaada.

Xubnaha ugu sareeya baarlamanka Soomaaliya siiba gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mr Jawaari ayaa dilkiisa ka tacsiyadeeyay isagoo dhinaca kale siweyn u cambaareeyay kooxihii dilay Xildhibaanka .

Saraakiisha Dowlada Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ciidamada Amisom ayaa cambaareeyay dilka loo geystay Xildhibaan Marxuum Mustaf Maxamed Macalin.

Warsaxaafadeed ka soo baxay amisom ayaa lagu sheegay in weerarwalba oo lagu waxyeeleeyo xildhibaanada Baarlamanka uu yahay mid lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana falalka noocaas ah yihin kuwo laga xumaado.