Aaska Marxuum Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan oo ay Saaka Hirtii waaberi kooxo aan heybtooda la aqoon ku dileen xaafada Raf iyo raaxo ee magaalada Boosaaso aya ka dhacay duleedka Bari ee magaalada Boosaaso.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Masuuliyiinta Maamulka, Mashaaiiqda Puntland iyo weliba waxgarad iyo odayaal ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuum Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan oo ka dhacay Duleedka magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.