Kooxo baarasho ka geysta bogaga internetka ayaa xaday oo soo qufay sawiro qeybta piravet-ka ugu jirtay bogga facebook aasaasaha boggan Mark Zuckerberg kuwaasi oo ku soo bandhigay baraha internetka.

Kooxdan ku taqasustay Baarshada Internetka iyo soo bandhigida Sirta Internetka ayaa soo bandhigay ilaa 14 sawir oo uu si khaas ah u galay aasaasaha boggan kuwaasi oo lagu muujiyay qoraal muujinaya in la jabsan karo sawir kasta oo aad geliso qeybta amaankeeda la adkeeyay ee facebook-ga.

Dhinaca kale kooxda qafaalatada ah ayaa sheegay in ay soo sari doonan qaabkii loo soo saari lahaa sawirada qarsoon ee dadka qaar ay geliyaan Bogga facebook iyaga oo taas uga jedaa in aan facebook uusan lahayn amaan la isku halyn karo.

Warka soo baxay shirkada Facebook-ga waxaa lagu sheegay inay ka warheleen cilad caynkaas oo kale ah islamarkaasina ay iminka xaliyeen wixii cilado ah ee amuurtaas ka dhashay.

Mahan markii ugu horeysay oo kooxaha internetka wax ku baaarta ay isku dayaan weerar lagu qaado qeybaha amaanka ee bogga facebook waxaana inta badan bogga facebook uu iska difaacay weeraradaas kala duwann waxana maamulka Bogaas uu digniin ka bixiyay isku dayada ceynkaas oo kale ah.

Bogga facebook haatan waxaa istimaaala dad aad u farabadan oo gaaraya 850 million oo qof kuwaasi oo bogga ku xiran una isticmaala ay isweydaarsadaan saaxiibadood Fariimo kala duwan.

SBC International Monitoring