ALLAHA u naxariistee marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax oo ahaa wasiirkii arimaha gudaha & amniga qaranka DFKMG oo shaley ku geeriyoodey qarax ka dhacay hoygiisa ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Intii aan loo qaadin qabrigii lagu aasay marxuumka ayaa waxaa salaada Janaasada lagula tukuday masjidka loogu magacdarey “Shuhadada” ee ku dhexyaal xarunta madaxtooyada, waxaana halkaasi salaada ku tujiyey madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo uu goob joog ka ahaayeen Ra’’iisul wasaare Max’ed Cabdulaahi Farmaajo, xubno ka kala socday labada gole ee dowlada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Markii lagu tukaday salaada janaasada kadib ayaa marxuumka waxaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi ee ku dhaw xarunta madaxtooyada Villa Somalia, waxaa aaskiisa goob joog ka ahaa xubno badan oo mid ah golayaasha dawlada, culima’udii, madax ka tirsan dawlada, siyaasiyiin & dadweyne, waxaana halkaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyey wasiirka arimaha dibadaMax’ed Cabdullaahi Oomaar oo ahaa gudoomihii xubnihii loo xil saaray aaska wasiirkii amniga qaranka oo saxaafada kula hadlay meel aan sidaa uga fogeyn qabriga wasiirka ayaa ugu horeyn waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo ehaladii uu ka geeriyooday marxuum C/shakuur Sheekh Xasan, isagoo Ilaah uga baryay in uu ka waraabiyo janadii fardowsa, isagoo si kulul u cambaareeyay falkii lagu qaarijiyay wasiirkii amniga qaranka oo uu sheegay in uu ahaa fal ka baxsan diinta islaamka.

Wasiiro dowlaha arimaha gudaha iyo amniga qaranka Axmed Cali Yaqle oo goob joog ka ahaa aaskii loo sameeyay wasiirka ayaa uu sheegay in gacan ka xaqdaran ay dishay wasiirkaasi, isagoo xusay in aysan iloobi doonin golaha wasiirada waxqabadka wasiirkii geeriyooday.

SBC News Desk