War Saxaafadeed 029/2011

Xukuumadda oo dhalleeceysay Falkii Argagixiso ee ka Dhacay

Magaalada Gaalkacyo

Muqdisho, April21,2011) Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliaya waxay si adag

dhalleecaynaysaa falkii argagixisada ahaa ee 16kii bishan Abril ka dhacay magaalada Gaalkacyo,

qaraxaas oo loo adeegsaday baabuur isla markaana lagu dilay Agaasimihii Wasaaradda

Caddaaladda ee gobalka Mudug.

Sidoo kale waxay Dolwladda Soomaaliya dhalleecaynaysaa falkii fuleynimada ahaa ee lagu

weeraray dad ku tukanayey Misaajid ku yaalla isla magaalada Gaalkacyo bishan Abril 16keedii

sanadka 2011. Weerarkaas oo lagu galaaftay nolasha afar qof oo aan waxba galabsan isla

markaana lagu dhaawacay toban kale.

Dowladda Soomaaliya waxay ku dhiirra-galinaysaa dadka deegaanka inay ilaashadaan nabadda

isla markaa u ololeeyaan nabadda, iska jiraan, kana hortagaan kuwa damacsan inay qalalaase ka

abuuraan Gobalka.

Sidoo kale waxay Dowladda Soomaaliya ku dhiirro galinaysaa maamulka Puntland inay

dambiilayaashii falkan naxdinta leh gaystay ay hor keenaan sharciga.

Ugu danbeyn Dowladda Soomaaliaya waxay tacsi u diraysaa qoysaskii iyo qaraabadii ay dadku

ka dhinteen.

Dhamaad

Jamhuuriyadda

Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta,

Boostaha & Isgaarsiinta