Xulka Colombia ayaa xalay  u soo gudbay wareega Labaad ee Tartanka Koobka Laatiin America kana soconaya Dalka Arjantiin ka ib markii ciyaartoodii sadexaad ee ugu dambeysay Lugta hore ee Koobkaasi ay ku suuldaareen 2-0 Xulka Bolivia oo isagu koobkaan ka haray,. waxana 2 gool u dhaliyay qeybtii Hore ee Ciyaarta Weeraryahankooda Lambarka 9 Falcoa xidigaasi mid ka mida goolashiisa uu ahaa Rigoore waxaana uu xalay wax ka qabtay Hogaanka gooldhalinta ee uu hayay 11 Peru oo isna 2 gool u dhaliyay Xulkiisa.
Xidigaha Colombia oo ka mida dalalka ugu adag ee ka qeybgalaya Koobkaan waxaa ay ku soo  Baxeen 7 dhibcood oo ay guruubkooda A ku Hogaaminayaan, iyadoo Kooxdii soo Labeyn laheyd Caawa la sugayo kulanka u dhaxeeya Costarica vs Arjantiin.
Xulka Martigalinaya koobkaan ayna u saftaan Xidagaha aadka u faraha badan ee Arjantiin ayaa la saluugsan yahay Hanaanka uu Tartankani ugu bilowday iyadoo labadii kulan oo ay soo safteen Barbardhac ku dhameystay kan Caawa hadii ay galaan Barbardhac kalana ay sidaasi ku harayaan balse ay eegan doonaan 2 fursaood ee u banaan kooxaha lagu soo biirinayo Wareega 2aad iyadoo loo tixgalin doono Martgalinta Taasoo aan u qurux badneyn balse laga Doonayo inay ku soo baxaan dhibcaha ay ka helayaan Gruubkooda waxaana ay soo galayaan Kaalinta 2aad xitaa hadii ay badiyaan Arjantiin, dhinaca kale Xulka Costa rica ayaa iyagu badis iyo barardhac labadaba banaanka taagan waxaana looga fadhiyaa caawa inay iska caabiyaan hujuumka adag oo ay la soo beegsan doonaan Weerarka Arjantiin ee mid mid marka loo eego ah Xidigo Wanaagsan balse uu ka maqan yahay Isku xirnaanshaha Kubadeed.

Link-ga Video-ga hoose ka daawo wacdarihii xaley dhexmarey Colombia & Bolovia.
Halkan ka daawo

 Waxaa diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle (uurdoox)
uurdoox2011@hotmail.com