88 sano jir shahaado Jaamacadeed ku guuleystey ka 12 sano oo waxbarasho ah

88 sano jir u dhashay wadanka Thailand ayaa loo aqoonsadey ardeygii ugu da’da weynaa ee shahaado jaamaceed ku guuleysta ka dib markii dhawaan uu gudoomay shahaadada qaanuunka ama sharciga uuna ka qaatey Jaamacada Sukhothai Thammathirat Open University ee degmada Song Phi Nong ee Koonfurta wadanka Thailand.

Jariidada Bangkok Post oo warkan daabacdey ayaa sheegtey in Sa-nguan Sunthornwong uu mudo 12 sano ah baranayey maadadan isla markaana uu imaan jirey fasalada kala duwan ee Jaamacada
.

Xaflad ku aadanayd qalin jabinta Mr Sunthornwong ayaa wuxuu ka sheegay in ay u qorsheysneyd in aanu ka daalin waxbarashada oo uu lahaa yoolka ku aadan in uu shahaado Jaamacadeed helo.

Sunthornwong ayaa ka maqnaa xafladii balaarneyd ee qalin jabinta dufcadii uu ka tirsanaa oo dhacdey 23-kii January ee sanadkan isagoo xanuun ku dhacay dartiis Isbitaal ugu jirey 39 maalmood, waxaana uu qabsadey xaflad gaar ah oo uu ugu dabaaldegayey shahaadada Jaamacadeed ee uu helay, waxaana xafladaasi ka soo qayb galey maamulka Jaamacada, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo waliba eheladiisa.

Arinta xiisaha leh ee uu Sunthornwong xaflada ka sheegay ayaa waxay tahay isagoo daboolka ka qaaday in uu hada qorsheynayno in uu sameeyo Master Degree.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

7 Responses to 88 sano jir shahaado Jaamacadeed ku guuleystey ka 12 sano oo waxbarasho ah

  1. xaaji says:

    waa nin fiican lakiin odyaasheen waxay ciyaaraan jarada kaliya iyo tubaako kaliya balse iska daa in uu aay wax qoraan waxaa aysan qori karin magaooda waa layaab odaygaan sida uu ku helay jamacada

  2. samsan says:

    caadi maha ogaygaan

  3. C/qani says:

    kkk waa arin mucjiso ah waana arin ku dayosho leh runtii aniga aad bay ii dhiiri gelisay waayo hada ayaan dhamaynayaa jaamcad khaas ahaan waxaan bartaa maadada Qaanuunka oo uu nunkani bartay wuxuuna iga waynyahay sadexmeelood laba meelood da’diisa aad baan ugu farxay waxaana jecelahay in aan laxidhiidho si aan ugu hanbalyeeyo guusha uu gaadhay

  4. TO xaaji

    mahan in aa tiraahdo waxkasta waa fiican yihin adiga oo caynaya AWOOWAYAASHAA. INTEE WAX BARATAY OO DIINTA ISLAAMKA KU XEEL DHEER.

    MAHAN IN BULSHO AAD KU CABIRYO KUWO TUBAAKO CUNA IYO JARO DHEELA.
    NINKAN WUU DADALAY LAAKIN KA MA FIICNA AWOOWAYAASHEEN,,

    KULAYAABI MAAYO SABABTO AH SOMALIDA OO DHAN AYAA SAAS AH WAXAY CAAYAAN DADKOODA WAXAY AMAANAA DAD AYSAN GARANAY WAXA AY YIHIN OO AY WARBAAHINTA KA MAQLEEN KALIYA.

  5. Anigoo ah cabdiraxmaan maaliki kana howl gala mid kamid ah warbaahinta muqadisho, waxaan aad ula yaabay markaan aqristay war bixintaan xiisaha banban. taasina waa midaan ka fahmni karno ahmiyada balaaran ee ay tacliintu leedahay iyadoo aan loo eegeyn da, amma jinsiyad toona waan la dhacay qormadaan.

  6. Tani waa amuur aad u xiiso badan waayo waa astaan muujineysa ahmiyada uu ninkaasi waayeelka ahi siiyay u qumidda dowga tacliinta

  7. Halgamayaasha wabsedkaan wanaaga badan ee allsbc, waxaan ka codsanayaa in ay aqristayaasha ay u badiyaan daraasaadka iyo iktishaafyada caalamiga ah. kuwaasi oo aan aaminsanahay in bulshadeena ay u weecin karaan dhabaha horumarka dhanka tacliinta waadna mahadsantihiin dhamaan. Haddii aad iiga baahataan soo gudbinta daraasad dhanka celmigana waxaan idiin balan qaadayaa inaan wada shaqeeyno thanks..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII