Xulka gabdhaha kubada koleyga Magaalada Muqdisho ee ka qayb galey ciyaaraha tartanka kubada koleyga ee caasimada bariga & bartamaha Afrika ayey la soo gudboonaatey guuldaro culus ka dib markii ciyaartii galabta ay la ciyaareen gabdhaha kubada koleyga ee magaalada Nairobi ay ku soo dhamaatey 8 gool & 95 gool oo ay ku guuleysteen gabadhaha Nairobi.Ciyaartan oo ka dhacdey garoonka Nyanyo Stadium ee magaalada Nairobi gabdhana kubada koleyga ee magaalada Muqdisho waxay soo bandhigeen ciyaar wanaag & asluub waxaase ciyaarta oo ku bilaabatey weerar & weerear culus qaybtii hore ku soo dhamaatey 5gool iyo 56gool  oo ay ku hogaaminayeen ciyaarta gabdhaha ku ciyaarayey magaaca magaalada Nairobi.Qaybtii dambe ciyaarta waxaa la filayey in gabadhaha Muqdisho inay la soo baxaan ciyaar ama dardar waxaana ay keensadeen 3 gool oo gura laakiin waxaa goolishii qaybtii hore ee 56-da gool loogu sii darey 44 gool taasi oo ka dhigtey in 95 gool ay ciyaartaasi ku guuleysteen gabdhaha magaalada Nairobi.Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi oo ciyaartaasi u soo daawasho tagey iyo waliba maamulka kubada koleyga ee gabdhaha Muqdisho ayaa ka niyad xumaadey guuldarada ku dhacdey xulkooda, waxaase jira warar sheegaya in ay jirtey cabsi & walwal ay muujinayeen gabadhaha tartankaasi ka qayb galayey, kuwaasi oo la sheegay in hanjabaad loo jeediyey, taasi oo ku aadaneyd ka qayb galka kulankaasi mase jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya wararkaasi.Dhinaca kale qaybtii ciyaaraha ee wiilasha ee kubada koleyga ee ka socdey magaalada Muqdisho ayaa iyagana guuldaro dhabarka waxaa u saarey xulka wiilasha magaalada Bentiu ee wadanka suudaan, kuwaasi oo wiilasha Muqdisho uga adkaaday 80 gool iyo 59 gool.

Tartan caasimadaha kubadda koleyga ee bariga iyo bartmaha Africa waxaa ka qeybgalaya 13 kooxood oo 9 ka mid ah ay yihiin wiilal halka 4-ta kalena ay yihiin kooxo gabdho, waxaana gabdhaha Soomaliya ka socda tartankan u yahay markii ugu horeysay oo ay ka qayb galaan mudo sanooyin ah, halka wiilashu ay ka qayb galeen sanadkii 2009-kii.

Sawir Qaade: Sunni Siciid Saalax (Ciyaaro.com)
Warbixinta : Yuusuf Al-Cadaala