Munaasibad balaaran oo lagu xusayo sanadguuradii 69aad ee kaso wareegatay markii dhidibada lootaagay ciidamada booliska somaliya ayaa waxa ay kadhacday xarunta SPU ee magaalada Boosaaso ee xrunta gobolka bari .

Madaxweynaha Puntland cabdiraxmnaa maxamed maxamuud faroole ,Qaar ka mid Golaha Wasaiirada puntland,  Saraakiisha Ciidamada puntland iyo waliba qaar kamid ah bulshada rayidka ah ayaa ka soo qaybgalay xuska munaasabada 69 sanno guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidamada booliiska soomaaaliyeed iyadooo munaaasabadan sidoo kale lagu xusay 14 sanno guurada ka soo wareegtaay aasaaska ciidamada booliiska puntland .

Ugu horayn waxaa munaasibadasi kahadlay taliyaha ciidanka booliska dawlada puntland sareeye guuto maxamed siciid jaqanaf oo sheegay in ciidanka booliska somaliya markii la asaasay kadib ay marxalado kaladuwan ay mareen waxana uu sheegay in ciidanka booliska dawlada puntland dib uhabayn lagu sameeyay lana habeeyay hogaanka ciidanka si ay uhagaagto asluubta ciidanka booliska dawlada puntland ee somaliya .

Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad maxamed Galan  waxa uu kamid ahaa masuuliyiintii kasoo qaybgashay munaasibadasi waxana uu u  hambalyeeyay  ciisdamada Booliska soomaliya iyo kuwa Puntlandba sanaadguuradii 69aad ee kasoo watreegatay asaaskii ciidanka Booliska soomaliya waxana uu sigaara hambalyo ku adan sanadguuradii 14 ee kasoo wareegatay aasaaska ciidanka Booliska Puntland uu udiray ciidanka booliska dawlada puntland .

Madaxwaynaha dawlada puntland oo gabagabadi munaasibadasi khudbad dheer jeediyay ayaa waxa u kaga hadlay muhiimada ay manta oo kale leedahay isagoona ciidanka booliska somaliya iyo kuwa puntlandba ugu hambalyeeyay munaasibadan qiimaha leh eek u aadan xuska sanadguuradii 69aad ee kaso wareegatay markii dhidibada lootaagay ciidamada booliska somaliya waxana uu madaxweynuhu kula dardaarmay ciidanka Booliska Puntland inay noqdaan kuwo kaso baxa howsha ay hayaan .

Sawiro











Maxamed Xirsi Cabdi {Jabra}
Jabra444@gmail.com
SBC International Boosaaso