Boqolaal Soomaali ah oo ka kala yimid gobolada dalka Maraykanka  iyo Canada ayaa si weyn u soo buux dhaafiyay goob lagu qabanayay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Raysulwasaarihii Hore ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha xisbiga siyaasigaa ee TAYO Maxamed C/laahi Farmaajo.

Xafladan oo ka dhacday magaalada Columbus Ohio waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u faro badan oo isugu jira Siyaasiyiin, Culumo,Aqoonyahan, Dhalinyaro, Haween, Fanaaniin, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedada xafladan ayaa ahayd sidii xisbiga TAYO uu shacabka Soomaaliyeed u gaarsiin lahaa Fariinta Mustaqbalka Soomaaliya oo ah “Ayaaha Soomaaliya waa mid adinka idin sugaya ee 2016 doorta shaqsi wax qaban kara”

Dadkii ka hadlay xaflada ayaa intooda badan waxa ay diirada saarayeen ahmiyada Maamul wanaaga iyo midnimadu ay u leedahay umad walba.

Gudoomiyaha Jaaliyada Columbus Xasan Cumar ayaa oo xaflada ka hadlay ayaa yiri ” 2016 Shacabka Soomaaliyeed waa in ay doortaan qof Wadani ah, Damiir leh, u damqanaya Dalka, Dadka iyo Diinta hadii aysan sidaa yeelin waxa ay dhaxli doonaan meel ka xun mesha manta la joogo”

Nabadoon Sheekeeye ayaa dhankiisa xusay in la soo gaaray xiligii Soomaaliya ay aayaheeda iyo midka ubadkooda danbe ay ka tashan lahayeen, wax walbana ay ku jiraan gacmaha shacabka xiliga la gaaro doorashada madaxnimo ee nagu soo aadan.

Khadro Mohamed Shire oo ah Gudoomiyaha ururada Africanka ah ee gobolka Ohio ayaa ku xeel dheeratay sida Soomaaliya ay gabi uga laalado iyo sida dadka Soomaaliyeed ay uga lumeen fursado badan iyada oo ku boorisay Siyaasiyiinta iyo dadka wax galkaa in ay Soomaaliya samatabixiyaan isla markaana dareemaan in qaranimadu ciyaar ku imaan.

Culumo badan ayaa xaflada ka hadashay waxaana ka mid ahaa. Sheekh Aadan Cabdulle, Macalin Mustaf Bulxan, Sheekh Muqtaar, Sheekh Horseed Nuux,iyo qaarkale ayaa waxa ay dhamaantood ka sinayeen in xiligan lagama maarmaan ay tahay in laga dhabeeyo dhismaha dowlad buuxda oo dalka samatabixisa iyo in la dareemo in isku duubnidu muqadas tahay.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa gabagabadii xaflada la hadlay Taageerayaashiisa iyada oo sacab iyo Mashxarad lagu soo dhaweeyay, waxa uu farmaajo ka sheekeeyay marxaladihii dalku soo maray, Halka iminka la joogo, iyo Halka loo socdo oo uu ku sifeeyay mid u bahan howlo adag iyo dowlad wada shaqeyn leh, isaga oo goobta ka cadeeyay in 2016 xisbiga TAYO ay ku dadaalayaan in ay dalkooda ka saaran waxa uu ugu yeeray Mugdi.

Waxa uu balanqaaday isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay hadii xisbiga TAYO ku guulaysto madaxnimada dalka in mudo 4 sanaa Soomaaliya noqon doono dal ka tilmaaman caalamka kuna caan noqday, Amaano, Musuq la’aan, is fahan, dhismo, dariswanaag, Amni, iyo wadashaqeyn xubnaha dowlada iyo shacabka.

Ugu danbayn waxa uu Farmaajo yiri “Soomaaliyeey 2016 waa sanad aayihiina iyo mustaqbalkiisa uu gacantiina ku jiro waana sanad hadii iinaan ka faaiidaysan dib u soo noqon doonin doorta shaqsi iinaan hadhow ka daba qaylin”

Waxaa la soo bandhigay Heeso wadani ah iyo gabayo waxayna ay ahayd xaflad aad u balaaran oo dadka ka soo qeyb galay ay aad u badnaayeen.

Daawo sawiradda:

IMG_0619 IMG_8005 IMG_7946 IMG_7938 IMG_7806 IMG_7790 IMG_7789 IMG_7776 IMG_7758 IMG_7749 IMG_7732 IMG_7698 IMG_7677 IMG_7670 IMG_7664 IMG_7644 IMG_7641 IMG_7638 IMG_7637 IMG_7630 IMG_7623 IMG_7607 IMG_7594 IMG_7593 IMG_7590 IMG_7582 IMG_7576 IMG_7573 IMG_7569 IMG_7562 IMG_7561 IMG_7558 IMG_7553 IMG_7546 IMG_7540 IMG_7536 IMG_7533 IMG_7532 IMG_7528 IMG_7524 IMG_7523 IMG_7522 IMG_7508 IMG_7495 IMG_7487 IMG_7485 IMG_7482 IMG_7480 IMG_7472 IMG_7471 IMG_7470 IMG_7468 IMG_1073 IMG_1065 IMG_1047 IMG_1026 IMG_1001 IMG_0994 IMG_0984 IMG_0946 IMG_0898 IMG_0888 IMG_0885 IMG_0866 IMG_0845 IMG_0820 IMG_0816 IMG_0811 IMG_0797 IMG_0791 IMG_0788 IMG_0785 IMG_0783 IMG_0774 IMG_0764 IMG_0758 IMG_0724 IMG_0664 IMG_0644